4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
Jaamacada Banaadir oo soo dhaweysay Macalin ka socda Makerere University


Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu soo dhaweynayay macallin ka yimid Jaamacada Makerere ee dalka Ugandha ayaa lagu qabtay Muqdisho; taasoo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiinta iyo ardayda Jaamacadda Banaadir qaarkood iyo marti sharaf kale.

Macallinka oo lagu magacaabo, Dr. Francis Mulekya Bwambale ayaa wax ka dhigi doona dugsiga taqaqusiga ah ee caafimaadka bulshada Jaamacada Banaadir (Public health) oo dhawaan laga hirgeliyay Muqdisho, kaasoo furitaankiisa iska kaashadeen jaamacadaha Banaadir iyo Makerere.

Waxaa furitaankii munaasabadda ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar. “Waxaa farxad inoo ah inaan muujino inuu billowday mashruucii dugsiga taqasuska caafimaadka bulshada ee ay kasoo wada-shaqeeyeen jaamacadaha Banaadir iyo Makerere,” ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaa ku daray in labada Jaamacadood ay isla diyaariyeen duruusta ayna wada bixin doonaan shahaado ay ku mideysan yihiin oo Master ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in iskaashiga labada jaamacadood uu yahay mid guul ah oo muhimad weyn ku fadhiya faaiido badana ay ugu jirto ardayda dooneysa inay bartaan taqasuska la xiriira caafimadka Bulshada.

“Iskaashiga labada Jaamacadood waa mid macno badan sameynaya, maxaa yeelay Jaamacada Makerere ee dalka Ugandha waa jaamacadda ugu horreysa Afrika, gaar ahaan maaddada caafimaadka bulshada,  sidoo kale Jaamacada Banaadir waa mid ka mid ah jaamacadaha ugu weyn Soomaaliya ee laga barto caafimaadka waxaa ka baxday 170 dhaqtar, waxaana hadda dhigta 1,200 arday oo caafimaadka barata, tiradaasoo saddex jibaar ka badan dhammaan Jaamacadaha Somalia oo la isku wada daray ardayda dhigata, ayna ku bahoobeen dhammaan macallimiintii horey u dhigi jiray jaamacaddii ummada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Sidoo kale, Dr. Dalmar ayaa sheegay inay farxad u tahay inu la joogo Dr. Francis Mulekya Bwambale oo ka mid ah macallimiinta Jaamacada Makerere horrayna u yimid dalka, barnaamijyo badanna kala qayb-galay jaamacadda, hase ahatee hadda nasiib u yeeshay inuu duruusta ka bixiyo iskuulka taqasusiga caafimaadka bulshada ee Jaamacada Banaadir, wuxuuna tilmaaamay inuu kusoo kordhiyay iskuulka qalab iyo waxyaabo kale oo wax ka taraya fahamka duruusta la bixinayo.

“Waxaa kaloo sharaf inoo ah inaan soo dhoweynayo sagaal ruux oo dooneysa inay ka faa’iideystaan iskuulka taqasusiga caafimaadka bulshada, kuwaasoo hadda aan la dhihi karin arday, maadaama ay horay uga soo qelin-jebiyeen jaamacado kale, shaqooyinna haya, haddana doonaya inay qaataan shahaado labaad, kuwa iyaga la mid ahna wey imaan doonaan, duruustana waxay bixi doontaa maalmaha khamiista iyo Jimcaha,” ayuu Dr. Dalmar hadalkiisa ku daray.

Dr. Francis Mulekya Bwambale oo ah macallinka Jaamacada Makerere ka yimid oo hadlay ayaa isaguna u mahad-celiyay sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen maamulka iyo ardayda Banaadir, wuxuuna xusay inuu ku faraxsan yahay inuu ka mid noqdo macallimiinta iskuulka taqasusiga caafimaadka bulshada, isagoo metelaya Jaamacada Makerere.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay iskaashiga dhinaca waxbarashada ee ka dhexeeya Jaamacadaha Makerere iyo Banaadir, iyagoo si wadajir ah u furay iskuulkan si ardayda looga haqab-tiro aqoonta ku saabsan horumarinta caafimaadka bulshada,” ayuu yiri Dr. Francis Mulekya Bwambale.

Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud (Dufle) oo ka mid ah asaasayaasha Jaamacada Banaadir ahna gudoomiyaha gudiga arrimaha bulshada ee baarlamanka Somalia oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa ku amaanay maamulka Jaamacada Banaadir dedaalka ay ugu jiraan sidii aqoonta ka baxda Jaamacada ay u noqon laheyd mid la jaan-qaadeysa caalamka horumaray.

Ardayda dhiganaysa iskuulka taqaqusiga caafimaadka bulshada ee Banaadir ayuu ugu baaqay Prof. Dufle inay ka faa’iideystaan duruusta ay qaadan doonaan, isagoo xusay in maadadan ay tahay mid muhiim ah oo caalamka oo dhan la isku raacsan yahay, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyey Dr. Tahliil Cabdi Afrax oo uu sheegay in la’aantiis aysan suuragal u noqon laheyn hirgelinta iskuulkan taqasusiga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya