4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
Madaxweyne Siilaanyo oo safar aan lasii sheegin ku tagay Magaalada Berbera

Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Maxamuud (Siilaanyo), iyo wefti kooban oo uu hogaaminayey, ayaa shalay  safar aan la sii sheegin ku tagay magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil.

Safarka Madaxweynaha oo aan hore loo sii shaacin ayaanay cidi usii diyaar garoobin, Waxaana la sheegay in aanu madaxweynuhu wadan Ilaaladdii faraha badnaa iyo gaadiidkii tiknimada ahaa ee marka uu safar u baxayo raaci jirtay, sidoo kale, waxaan la socon wasiiro, marka laga reebo xubno kooban oo ay ku jirto marwadiisa ay safarkaasi ku wehelinayeen, halka warar kalana sheegayaan inuu weftiguba ka koobnaa madaxweynaha iyo xaaskiisa iyo taliyeyaasha amniga.

Madaxweynuhu ma sheegin ujeedada safarkiisa daarantahay, illaa hadana cidi kama hadal, waaanu xalay u hoyday madaxweynuhu magaaladda Berbera.

Dhinaca kale, Gaadhi la socday madaxweynaha ayaa la sheegay  inay wadada u dhexeysa Berbera iyo Hargeysa isku duqeeyeen gaadhi Rakaab saarnaa, taas oo keentay  inay dadkii gaadhigaasi saarnaa dhaawacyo jajab u badan soo gaadhay, nasiib wanaag wax dhimasho ahi shilkaasi may sababin.

Saraakiisha Ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka oo aanu la xidhiidhnay ayaanay noo suurto gelin inaanu helno khasaaraha shilkaasi keenay.

Waa markii ugu horaysay ee madaxweynaha safar uu ku tagey gobol kale oo aan loo sii sheegin, isla marka aan dhexda looga hortagin, iyadoo inta badan ay caado u tahay marka uu madaxweynuhu booqanayo magaalooyinka kale in dadweynaha iyo maamulka gobolkaasi dhexda kaga hortagi jireen soo dhoweyn balaadhana loo samayn jiray.

Inta badan magaalada dhexdeedda ayaa madaxweynuhu si kadis ah loogu arki jiray isagoo dibadda usoo baxay, isagoo wadan gaadiidka lagu yaqaano iyo tiknimadda markasta uu baxo raacda, marar badana waxa uu ku tukaday masaajidada ku yaalla magaaladda Hargeysa iyo Gabilayba, haseyee marka uu gobol kale tagayo waxa la ogaysiin jiray dadweynaha iyo maamulka gobolkaasi u sii diyaar garoobi jiray, laakiin safarkan si shaqadh yar ayuu ku baxay, iyadoo warar kalana xusayaan inuu ahaa mid nasasho.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland