4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
Guddoomiyihii Degmada Wadajir Axmed Daaci oo Xalay xilka Wareejiyay

Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Guddoomiyihii degmada Wadajir Axmed Xasan Caddoow (Axmed Daaci) ayaa xalay wareejiyay xilka guddoomiyaha degmada, isagoo si rasmi ah ugu wareejiyay xilkaas guddoomiyaha cusub ee degmadaas loo magacaabay, Axmed Cabdulle Afrax.

Axmed Daaci ayaa sheegay in dad badan ay aaaminsanaayeen inuusan xil wareejin doonin oo uu ku dagaalami doono, balse maanta ay u caddaanayso inaan si nabad ah xilka ku wareejinayo.

“Toddobaadkii dhawaa iyo caawa; Wallaahi caawa ayaan farxad badanahay, maxaa yeelay waxaan arkay in dadka ku nool degmada Wadajir ay abaal iiga hayaan wixii aan soo qabtay muddadii aan xilka hayay. Dadkii jeclaa inaan sii joogo iyo kuwii jeclaa in xilka laga iga qaado waxaan idin kaga tagayaa guddoomiyaha cusub, sidii aad iila shaqeyn jirteenna ayaan idinka codsanayaa inaad ula shaqeysaan,” ayuu yiri Axmed Daaci.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Wadajir ee xilka wareejiyay ayaa sheegay inuu ku wareejinayo guddoomiyaha cusub maamulkii degmada Wadajir oo keliya, balse uu isagu sii hayayo maamulka deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo horay u hoos-imaan jiray maamulkiisa.

Intaas kaddib waxaa isaguna goobta ka hadlay guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir, isagoo sheegay in ahmiyadda ugu weyn uu siinayo sugidda ammaanka iyo la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.

“Askari kasoo shaqeeyay degmada Wadajir lagama yaabo inuu dib u laabto, horay ayaan howsha u sii wadi doonnaa. Waxaana xoogga saarayaa sugidda amniga iyo la dagaalanka kuwa nabadda kasoo horjeeda iyo burcadda hubeysan ee dadka dhaca u geysta,” ayuu yiri Axmed Cabdulle Afrax oo ah guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo sheegay in Axmed Daaci intii uu hayay xilka guddoomiyaha degmada Wadajir uu wax badan qabtay, uuna yahay mas’uul leh mustaqbal siyaasadeed oo wanaagsan.

“Waxaan markhaati ka ahay in Axmed Daaci uu si sharaf leh ku wareejiyay caawa xilkii uu muddada sannadaha ah soo hayay, waxaan kaloo caddeynayaa inuu yahay nin isku kalsoon, kuna kalsoon mas’uul leh mustaqbal siyaasadeed oo ifaya,” ayuu yiri Jen. Muun-gaab.

Axmed Daaci oo maamulayay degmada Wadajir muddo 10-sano ku dhow, laga soo billlaabo xilligii hoggaamiye kooxeedyada ayaa waxay cabsi badan ka taagnay inuu xilka wareejinayo in inuusan wareejinayn, balse waxaa caddaatay inuu raacay jidkii guddoomiyeyaashii hore ee xilka wareejiyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya