Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo dhaliilay Hay’adaha Ammaanka dalka
Khamiis, Abriil 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliilay hay’adaha ammaanka dalka, isagoo hadalkiisan kusoo beegay maalin kaddib markii Muqdisho lagu soo gunaanaday shirweyne looga hadlayay ammaanka guud ee dalka.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in sababta keenaysa in ammaanka dalka uu marna xumaado marna uu wanaagsanaado ay tahay inaysan hay’adaha amniga dalka aysan si buuxda u hanan ammaanka guud ee dalka.
“Ammaanka dalka inuu is-bedbedelo waxaa sabab u ah iyadoo mas’uuliyiinta ku howlahan ammaanka aysan si wanaagsan u hanan ammaanka,” ayuu Xasan ku yiri hadal uu maanta jeediyay.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in shirweynihii Amniga ee Muqdisho ku soo xirmay uu yahay tallaabo ay dowladda federaalka Soomaaliya ku doonayso inay ku xoojiyo guud ahaan ammaanka dalka.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa inay dulqaad muujiyaan ayna la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago kuwa falalka ammaan-darro ka geysanaya magaalada Muqdisho,” ayuu yiri madaxweynaha.
Dhanka kale, wuxuu madaxweynuhu sheegay in qofkii isbaaro dhigta aysan kaga duwanayn Al-shabaab, isagoo sheegay in sidoo kale ay cid walba oo dhibaato ku haysa dadka Soomaaliyeed ay ula mid tahay Al-shabaab.
Inkastoo madaxweynuhu uu sheegay inaysan Al-shabaab iyo qofka isbaarada dhigta waxba isku dhaamin, haddana ma sheegin sidii uu horayba u sheegay in la dilo goobtii lagu arko qof ay isbaaro u taallo.
Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkan Muqdisho lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyadda dilalkooda ay si cad u sheegatay Al-shabaab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya