4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisii oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta dib Muqdisho ugu soo laabtay.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay mas'uuliyiin badan oo dowladda ka tirsan, waxaana intaas kaddib loo soo qaaday dhinaca madaxtooyada Soomaaliya.

Muddadii uu madaxweynuhu ku sugnaa Baydhabo wuxuu kulammo gooni-gooni ahaa la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka iyo qaar ka mid ah ergooyinkii wax ka dhisay maamullada iska soo horjeeda ee magaaladaas ka jira, siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.

Dhammaan dhinacyadii uu la kumay wuxuu kala soo hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee degmada Baydhabo ka aloosan, khilaafkaas oo salka ku haya maamulka dhismihiisa lagu muransan yahay ee koonfur-galbeed Soomaaliya.

Booqashadan ayaa ahayd tii labaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu magaalada Baydhabo ku tago, laga soo bilaabo markii maamulka magaaladaas lagala wareegay Xarakada Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya