4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Al-shabaab oo sheegtay in Magaalada Muqdisho iyo degmada Balad-Xaawo ay xalay ka fulisay Qaraxyo is-daba-joog ah


Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dowladda Soomaaliya kula jirta dagaal ayaa sheegatay in ay geysatey qaraxyo saf-mar ah oo xalay ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir, sidoo kalena ay degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ka geysatay hal qarax.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarradii ay xalay ka fuliyeen Muqdisho iyo Balad-xaawo ay ahaayeen 29-weerar, kuwaasoo 28 ka mid ah uu sheegay in ay Muqdisho ka geysteen.

“Xalay waxaan toban degmo oo ka mid ah kuwa gobolka Banaadir aan ka fuinnay weerarro qaraxyo ah oo intooda badan aan ku beegsannahay saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidmada dowladda iyo kuwa AMISOM iyo weliba guryo ay deggenaayeen madaxda dowladda iyo saraakiisha ciidamada,” ayuu Sheekh Abuu-Muscab ku sheegay warbixin uu siiyay warbaahinta afka Al-shabaab ku hadasha.

Degmooyinka ay weerarrada  ka geysteen ayuu ku sheegay inay kala yihiin: Dharkeynley, Wadajir, Hodan, Waaberi, Xamar-weyne, Shibbis, Yaaqshiid, Howl-wadaag, Xamar-jabab iyo Huriwaa.

“Weerarradaas 28-ka ah waxaa cadowga kasoo gaaray khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac,” ayuu hadalkiisa raacisay, isagoo aan sheegin sida ay kala yihiin khasaaraha dhismaho iyo midda dhaawac.

Sidoo kale, afhayeenka howlgallada Al-shabaab wuxuu sheegay inay qarax kale ka geysteen degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, isagoo sheegay in uu ahaa qarax miino oo ay la beegsadeen gaari ay wateen ciidammo ka mid ah kuwa dowladda ee degmadaas ku sugan ayna kasoo gaartay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, inkastoo uusan sheegin cadadkooda.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in ciidamada dowladdu ay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool Muqdisho, kuwaasoo isugu jira dhac, boob iyo kufsi, isagoo xusay inay intaas kusoo korortay inay haweenka muslimiinta ah afduubaan oo ay u geeyaan ciidamada AMISOM si ay u kufsadaan.

Ugu dambeyn, wuxuu xusay in Al-shabaab ay ka go’an tahay inay weerarro kale la beegsadaan ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo madaxda kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Xalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo waaweyn oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo saraakiisha dowladdu ay ku sheegeen weerarradaas kuwo nafla-caarinimo ah oo ay kooxda Al-shabaab la beegsatay shacabka Muqdisho ku nool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya