4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Baarlamaanka Kenya oo codeyn ku ogolaaday in Kenya ay joojiso Xiriirkii ay la lahayd Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC


Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Baarlamaanka dalka Kenya ayaa cod uu qaaday maanta ku ogolaaday in Kenya ay joojiso wadashaqeyntii ay la lahayd maxkamadda dambiyada caaalamiga ah ee ICC, iyadoo maxkamadda ay horyaallaan dacwooyin ka dhan ah madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

Maxkamadda ICC ayaa Kenyatta iyo Ruto ku eedeysay inay galeen dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada kaddib doorashadii dalkaas ka dhacday 2007 taasoo uu muran ka dhashay ayna rabshado dhacay ku dhinteen in ka badan kun qof.

Ruto ayaa la filayay in dacwadda loo haysto ay dib u furanto todobaadka soo socda, taasoo codeyntan ay caqabad weyn ku keeni karto, balse saraakiisha maxkamadda ayaa sheegay inay dacwada labadan mas’uul ay sii soconayso xittaa haddii Kenya ay ka baxdo ka mid ahaanshaha maxkmaadda.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa lagu waday in isaguna ay dacwaddiisu dib u furanto bisha November ee sannadkan, iyadoo madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa ay horay u beeniyeen inay dambiyada loo haysto ay mas’uul ka yihiin.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo qayb ka ahaa xildhibaanadii mooshinkan geeyay baarlamaanka Kenay ayaa sheegay in Kenyatta iyo Ruto si xor ah ay u so doorteen shacabka Kenya, tallaabadanna ay tahay mid ay xukuumaddu si deg-deg ah u qaadatay.

“Kenya waxay joojisay xiriirkii ay la lahayd maxkamadda ICC iyo sidoo kale wadashaqeyntii kala dhexeysay,” ayuu yiri xildhibaan Ducaale oo intaas ku daray: “Waa in naloo ogolaado inaan difaacno muwaadiniinteenna, sidoo kale waa in naloo ogolaado inaan difaacno madax-bannaanida Qarankeenna Kenya.”

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee dalka Kenya, Raila Odinga oo ka hadlay go’aankan ayaa sheegay inuusan ahayn mid ay Kenya kaga baxday sharciyada calaamiga ah, ayna sii socon doonto dacwadda loo haysto Uhuru Kenyatta iyo William Ruto.

Sidoo kale, afhayeenka maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, Faadi Al-Cabdallah ayaa BBC-da u sheegay in ka bixitaanka Kenya ay ka baxday ICC uusan wax saameyn ku yeelan doonin dacwooyinka loo haysto Kenyatta iyo ku xigeenkiisa.

“Ka bixitaankan waa mid saameyn ku yeelanaya mustaqbalka, balse ma aha mid saameyn ku yeelanaya wixii horay u dhacay,” ayuu afhayeenku ku yiri wareysi uu siiyay idaacadda BBC-da.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray: “Haddii Kenyatta iyo Ruto aysan la shaqeyn garsoorayaasha maxkamadda ICC, waxaan loo jari doonaa go’aan lagu dalbanayo in lagu soo xiro.”

Hay’adda Amnesty International oo go’aanka baarlamaanka dalka Kenya ka hadashay ayaa sheegtay inuu yahay mid lagu doonayo in wadashaqeyntii ay Kenay la lahayd maxkamadda ICC lagu wiiqo, balse waa mid ay ku wiiqday wada-shaqeyntii ay caalamka la lahayd oo dhan.

Madaxweynaha Kenya Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Ruto ayaa dhowr jeer oo hore dalbaday in dacwooyinka loo haysto la joojiyo, iyagoo dacwooyinkooda ku tilmaamay mid dano siyaasadeed laga leeyahay.

Bishii May ee sannadkan ayay ahayd markii ururka Midowga Afirka uu ku eedeeyay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC inay ugaarsanayso oo keliya madaxda Afrika, iyadoo sabab ka dhiganaysa loolanka u dhexeeya.

Laakiin maxkamadda ayaa si adag u diidday inay ugaarsanayso madaxda Afrika oo keliya, uuna hadalkaas yahay mid lagula dagaalamayo xuquuqda dhibbanayaasha wax ku noqda colaadaha Afrika.

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa xiriir wadashaqeyn la leh 121 waddan oo caalamka ku yaalla, kuwaasoo ay ka mid yihiin 34 waddan oo Afrikaan ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya