4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Xukuumadda Somaliland oo gobolka Sanaaag ka bedelaysa lacagta Shilinka Soomaaliga oo Gobolkaas laga isticmaalo

Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa maanta bilawday inay gobolka Sanaag, gaar ahaaan magaalada Ceerigaabo ka bedesho lacagtii hore ee Soomaaliya ee Giimbaarta looyiqiin oo gabi ahaanba Somaliland laga isticmaalin.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Ceerigaabo ayaa sheegay in maanta ay si rasmi ah uga dhaqan gashay magaaladda Ceerigaabo bedelaada lacagtii Giimbaarta ahayd iyadoo dadweynaha lacagtaas loogu bedelayo lacagta shilinka Somaliland, taas oo socon doonto 48 saacood in lagu xareeyo lacagtaasi Giimbaarta ee Shiling Soomalaiga si aanay gobolka uga shaqayn, isla markaana aan la arki doonin isticmaala lacagtaasi.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe waxa uu sheegay in laga bilaabo maanta lacagta keliya ee ka shaqaynaysa gobolka bulshaduna ay wax ku iibsan doontaa ay noqon doonto lacagta shilinka Somaliland.

Guddoomiyaha Baanka Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sheegay in bedelaada lacagtu ay maanta ka bilaabantay sideed goobood oo ka mid ah Gudaha magaalada Ceerigaabo, dadweynuhuna ay ka bedelanayeen goobahaasi. Waxaanu ku baaqay in wakhtigaasi loo qabtay lagu xareeyo lacagtaasi Giimbaarta,isagoo soo saaray amar ah in aan maanta wixii ka dambeeya magaaladda lagu arki Karin lacagtaasi waxna lagu iibin Karin waxna lagu iibsan Karin.

Waxaanuu xusay in degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ay hore u joojiyeen isticmaalka lacagta Giimbaarta ah.

Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay maamulaha Baanka Somaliland ee Goboladda Barri Cumar Axmed, oo sheegay in muddo labaatan maalmood ah ay Gobolka Sanaag u joogeen saraakiil ka tirsan Baanka Somaliland qorshaha lacagta Gimbaarta ah lagaga bedelayo Gobolka Sanaag.

Waxa iyaguna arrintaasi ka hadlay Maayarka magaaladda Ceerigaabo Md, Ismaaciil X.Nuur,waxaanuu sheegay in ay degmo ahaan soo dhoweynayaan bedelaada Lacagta Giimbaarta ah oo ay muddo dheer sugayeen, taas oo uu sheegay inay dhibaato ku haysay Ganacsiga degaankaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Md. Axmed Muxumed Geelle(Dacar), ayaa isna halkaas ka sheegay in ciidammadda ammaanku amar buuxa ku qabaan in cidii lagu arka iyaga oo wax ku iibinaya lacagta Giimbaarta in tallaabo sharciya ka qaadaan.

Sariflayaasha magaaladda, ganacsatadda iyo guud ahaan dadweynaha Gobolka Sanaag ayaa si weyn ugu xoonsana baanka dhexe si ay ugu soo bedeshaan lacagtan Shiling Somaliland-ta ah.

Dadweynaha gobolka Sanaag, ayaa si weyn usoo dhoweeyey bedeladda lacagtan, waxaanay sheegeen inay lacagtan Giimbaarta ahi wax u dhintay ganacsigii iyo dhaqaalihii gobolkan maadaama oo inta badan gobolada Somaliland aanay ka shaqayn lacagtan Giimbaarta ah oo laga wada bedelay.

Bedelaadda Lacagta Giimbaarta ah ee maanta ka dhaqan gashay Gobolka Sanaag ayaa waxa si weyn u soo dhoweeyey Sarif layaasha,Ganacsatada iyo Guud ahaan dadweynaha ku dhaqan Gobolka Sanaag.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland