3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Dublamaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale Maanta kula kulmay Madaxtooyada Soomaaliya (SAWIRRO)


Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Machadka Nabadda ee Mareykanka (US Institute for Peace), ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika ee dalka Norway iyo danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Britain.

Xasan Sheekh ayaa kulankii uu la qaatay guddoomiyaha Machadka Nabadda Mareykanka, Jim Marshall waxay kaga wadahaleen sida machadkaasi uu Soomaaliya ugala shaqeyn karo arrimaha ammaanka iyo nabadgalyada. Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay amni iyo nabad.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa kulankii uu la qaatay ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika ee dalka Norway, Jens Mjuagedal waxay kaga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarka dalka Soomaaliya, xiriirka Norway iyo Soomaaliya, shirka Brussels iyo kaalmada uu dalka Norway siiyo Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxuu sidoo kale maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Ingiriiska, Neil Wiggan kaasoo ay kawada hadleen xiriirka labada dal, daba-galka howlaha muhiimka ah ee UK ay kawaddo Soomaaliya oo ay ku saacidayso shacabka, shirka Brussels iyo arrimo kale.

Safarrada ay dublumaasiyiinta shisheeye ku imanayaan Muqdisho ayaa waxay tusaale u yihiin horumarka uu dalku ku tallaabsaday iyo sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u adkeysay islamarkaana u horumarisay xiriirka kala dhexeeya caalamka intiisa kale.

Mas’uuliyiintan oo iyaguna hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashadooda Soomaaliya iyo inay warbixino ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya ay ka dhageystaan madaxda dalka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Bartamaha bishan September ayaa lagu wadaa in magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium uu ka dhaco shir looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya, kaasoo ay kasoo qaybgeli doonaan madax ka socota dalalka caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/5/2013 3:49 PM EST
Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dowladda Soomaaliya kula jirta dagaal ayaa sheegatay inay qaraxyo saf-mar ah xalay ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir, sidoo kalena ay degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ka geysatay hal qarax.

9/5/2013 3:27 PM EST
Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Baarlamaanka dalka Kenya ayaa cod uu qaaday maanta ku ogolaaday in Kenya ay joojiso wadashaqeyntii ay la lahayd maxkamadda dambiyada caaalamiga ah ee ICC, iyadoo maxkamadda ay horyaallaan dacwooyin ka dhan ah madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

9/5/2013 2:43 PM EST
Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa maanta bilawday inay gobolka Sanaag, gaar ahaaan magaalada Ceerigaabo ka bedesho lacagtii hore ee Soomaaliya ee Giimbaarta looyiqiin oo gabi ahaanba Somaliland laga isticmaalin.

9/5/2013 10:21 AM EST
Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Shirkii looga hadlayay higsiga cusub ama New Deal ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho kaasoo muddo saddex maalmood ah socday, waxaana soo xiray wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya, Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim.

9/5/2013 9:01 AM EST
Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Shirkii ee golaha wasiirada ee maanta oo ay shir-gudoominaysay ku simaha ra'iisal wasaaraha ahna wasiirada arrimaha dibadda iyo Somalia, Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta asnixiyay xeerka Isgaarsiinta Qaranka.

9/5/2013 8:59 AM EST
Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay meel ka baxsan xeebta Muqdisho wuxuu markab dagaal oo ay leedahay dowlada Nederland kana mid ah kuwa howlgalka la-dagaalanka burcad-badeedda u jooga Soomaaliya kula kulmay ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u jooga Somalia, Michele Cervone d’Urso, taliyaha sare ee ciidmada badda Midowga Yurub, Rear Admiral Bob Tarrant, madaxa hawlgalka dhismaha iyo tayeynta Midowga Yurub (EUCAP), Nestor, Etienne de Poncins iyo xubno kale.

9/5/2013 8:38 AM EST
Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Hay’adda DBG ayaa maanta u qalab kala duwan u qaybisay 500 oo qoys oo ka mid ah barakayaasha ku nool inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye. Qalabkaas oo ku kala jira shan boqol oo bundadood oo kiiba ay ku jiraan alaabo kala duwan.

9/5/2013 8:33 AM EST
Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa golaha wakiiladda ka hor akhriyey warbixin koobsatay waxqabadkii kala duwanaa ee xukuumadani qabatay sadexdii sanno ee xilka ay haysay.

9/5/2013 7:34 AM EST
Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu wadaa inuu markii ugu horreysay Muqdisho yimaado maalmaha soo socda, kaddib markii uu dhawaan heshiis kula soo saxiixday dowladda Soomaaliya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

9/5/2013 7:18 AM EST
Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Shirweyhaha Qaran ee geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya iyo higsiga sannadka 2016-da ayaa galay maalintii afaraad, iyadoo diiradda lagu saarayaa qodobka dib u habbeynta hay’adaha hufnaanta iyo hagaajinta maamulka.

9/5/2013 7:03 AM EST
Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo tababar uga socday xero laga sameeyay warshaddii nac-naca ee magaalada Muqdisho oo gadood ahaan uga soo baxay xeradaas, iyagoo lagu arkayay iyagoo aan hub wadan waddooyinka magaalada Muqdisho.

9/5/2013 6:49 AM EST
Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Qaraxyo isugu jira bambooyin iyo hoobiyeyaal ayaa xalay ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo mid ka mid ah uu ku dhintay ruux doonayay inuu miino ku aaso deegaanka Kaaso-bololaare ee degmada Hodan.

9/5/2013 6:06 AM EST
Khamiis, September 5, 2013 (HOL)- Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Odayaasha ee dalka Maraykanka (U.S. Senate) ayaa kulan ay shalay yeesheen cod ugu qaaday dalab uu horay ugu soo gudbiyey Madaxweyne Barack Obama oo ahaa in tallaabo militari laga qaado maamulka Bashaar Al-asad ee Suuriya, kaddib markii lagu eedeeyey adeegsiga hubka kiimikada ee isticmaalkiisu uu mamnuuca yahay.