4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdi la socday oo Markab Dagaal kulan kula yeeshay Mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub (SAWIRRO)


Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay meel ka baxsan xeebta Muqdisho wuxuu markab dagaal oo ay leedahay dowlada Nederland kana mid ah kuwa howlgalka la-dagaalanka burcad-badeedda u jooga Soomaaliya kula kulmay ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u jooga Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso, taliyaha sare ee ciidmada badda Midowga Yurub, Admiral Bob Tarrant, madaxa hawlgalka dhismaha iyo tayeynta Midowga Yurub (EUCAP), Nestor, Etienne de Poncins iyo xubno kale.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay sida noocyada kala duwan ee isugu jira qalabka iyo farsamada ay leeyihiin dalalka Yurub loogu taageeri lahaa horumarinta ciidmada badda Soomaaliya.

Arrintan oo lagu asaasay fadhigii u horreeyay oo la qabtay 24-kii bishii Juun ee sannadkan, fadhigaasoo ka dhacay markab fadhiisin u ahaa ciidammada badda ee Midowga Yurub EU NAVAL FORCE. Ujeeddada shirkan ayaa ahayd abuurista xiriir wax wada-qabsi oo dhexmara Soomaaliya iyo Midowga Yurub, waxaa kaloo fadhiga gacan buuxda siinayay shirka caalamiga ah ee salka ku haya ka-hortagga burcad-badeedda oo lagu qabanayo Dubai inta u dhexeysa 11-ka illaa 12-ka bishan Sebtember iyo waliba shir kale oo loogu magac daray (Heshiiska cusub ee Soomaaliya) oo ka dhici doona Brussels. Kaas oo furmi doona 16 Sebtember 2013.

Shirkan wuxuu meel marinayaa heshiis dhexmara Soomaaliya iyo beesha caalamka kaasoo qeexaya  siyaasadda hoggaanka, habka mudnaanshaha la siinayo ee la xiriira amniga iyo habka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya ay higsanayso sannadaha soo socda. 

“Soomaaliya aad bay u soo dhaweyneysaa wax wada-qabsi dhex mara isbahaysiga Yurub iyo Soomaaliya si loo hagaajiyo amniga badaha Soomaaliya, taasoo qayb ka ah hawlgalka ballaaran ee is-bahaysiga Midowga Yurub uu ka wado Soomaaliya. Wax wada qabsi dhinaca ammaanka baduhu wuxuu saameyn xooggan ku yeelanayaa horumarinta deegaannada xeebaha dalkeenna. Waxaa iga go’an inaan soo bandhigo hoostana ka xariiqo qorshe dhamaystiran oo dhinaca badaha ah inta uu socdo shirka ka dhacaya Brussels,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay kulanka ka dhacay markabka dushiisa.

Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso oo isaguna hadlay ayaa yiri: “Arrintani waxay mar labaad caddeyn u tahay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub inay garab istaagaan Soomaaliya sidii ay u gaari lahayd deggenaasho iyo nabadgelyo buuxda. Inta uu socdo shirka bishan loo ballansan yahay ee (Heshiiska cusub ee Soomaaliya) ee magaalada Brussels.  Taageeridda hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya oo ammaanka baduhu ku jiraan waxay xagga sare ka galaysaa ajandaha shirka.”

Sidoo kale markabkan laga leeyahay Nederland ee wuxuu marti geliyay siminnaarka ay bixinaysay EUCAP Nestor oo ah falal dambiyeedka dhinaca badaha, waxaa kaloo qayb ka ahaa dhoola-tus ay goob joog ka ahaayeen wafdiga Soomaalida. Wafdigan wuxuu ka koobnaa garyaaqanada dowladda, xaakimmo iyo saraakiil  ka tirsan ciidanka badda, iyagoo daawaday dhoola-tus la xiriira sida looga hortago doomaha loo adeegsado burcad-badeednimada, qaabka ciidamadu u fuulaan doonta looga shakiyay inay wataan burcad-badeed iyo habka burcadda loo xir-xiro, qaabka caddeymaha loola wareego iyo baarista la xirrirta dambigooda.

Etienne de Poncins oo ahaa madaxa wafdiga EUCAP nestor oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa isaguna yiri:”Dhacdadan ay ku jirto dhoolla tuskeeda ee uu markabku soo bandhigay waxay muhiim u tahay macnana u sameynaysaa sidii nidaamka maxkamadaha ee dalka Soomaaliya iyo booliiskuba ay uga hortagi lahaayeen burcad-badeednimada iyo qaababka kale ee sharci darrada ah si loo hormariyo amniga badaha Soomaaliya iyo kuwa Geeska Afrika.”

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi la socda ay kulan kaga qayb galaan markab dagaal oo Midowga Yurub laga leeyahay korkiis, iyadoo tani ay macno weyn u sameynayso dowladda Soomaaliya  sida kulanka lagu qabtay markabka dushiisa laga sheegay.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya