4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Golaha Wakiillada kaga War-bixiyay Waxqabadkii Xukuumadda (SAWIRRO)


Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa golaha wakiiladda ka hor akhriyey warbixin koobsatay waxqabadkii kala duwanaa ee xukuumadani qabatay sadexdii sanno ee xilka ay haysay.

Wasiirka ayaa laba saacadood ka hor akhriyey golaha warbixin dheer oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo waxa u qabsoomay xukuumada madaxweyne Siilaanyo,  waxaanu sheegay inuu madaxweynaha u qaabilsan yahay shaqo maalmeedkiisa maalinlaha ah inuu u diyaariyo iyo maareynta xafiiska madaxweynaha.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sheegay inay xukuumaddu kordhisay tiraddii iyo tayadii ciimada kala duwan, waxaana ciidanka booliska loo soo saaray afar dufcadood oo tobabar sare soo qaatay taas oo loogu tallogalay inay gaadhaan xuduudaha dalka iyo arrimaha degdega ee amni daro inay wax ka qabtaan.

“Si kor loogu qaado Niyadooda waxaa Ciidanka qaranka iyagoon marba abaalkooga la gudin karin loo qabtay in Darajo loo sameeyo Toban kun  oo Askari oo min Alifle Ilaa General ah, isla markaana Guno-dooda loo kordhiyo iyagoo lagu siinayo hadba darajada u sito isla markaana ay ku mushahar qaadan doonaan Sanadkan Insha Allah”ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay inay sanadkii hore 2012 ay dalka ka dhaceen  18, 989 dambi (Sideed iyo toban kun iyo sagaal boqol sideetan iyo sagaal dambi), halka sannadkan 2013 oo lagu jiro bishiisii sagaalaad ay dalka guud ahaan ka dhaceen  (Toban kun illaa laba iyo toban kun inta u dhaxaysa), waxa kale oo sanadkii hore dhacay 77 dil, halka sanadkan ay ka dhaceen 46 dil.

“Anagoo ka duulayna qorshihii shanta sano ee xukuumada “5 year Plan” waxay xukuumadu la wareegtay xukunka dalka waxaad dareemaysa korodhka dhaqaale ee dhacay iyagoo ka soo qaaday 46 Milyan maantana Miisaniiyada dalku marayso 125 Milyan taasoo sidoo kale ay laban laabatantay wax soo saarka Dawladaha hoose”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in mudadii xukuumadani joogtay la qoday 51 ceel biyood halka labaatankii sanno ee Somaliland ee xukumadihii kala dambeeyey la qoday 89, waxaanu itlmaamay in guud ahaan ceelasha dalka laga qoday dhan yihiin 140 ceel taas oo wax ka tartay  biyo yaraantii dadweynaha miyo iyo magaalaba lahayd.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in labadii sanadood ee u dambeeyey 43% uu kordhay ardayda waxbarashadda soo gashay ka dib markii dugsiyada hoose/dhexe bilaash laga dhigay, Waxaana kor loo qaaday lana kordhiyey tirada macaliimiinta oo la gaadhsiiyey 3,230 macalin si nidaamka lacag la’aanta ah ee waxbarashada loo ilaasho korna loogu qaado.

Ardayda deeqaha waxbarasho heshay ayuu sheegay inay kala yihiin 449 arday, kuwas oo dalal kala duwan oo dibadda ah waxbarasho kaga jira, waxaanay kala yihiin: Turkey: 84 Arday, Sudan: 108,  Yemen: 45 arday,  Malaysia: 23,  Kenya: 15,  Ethiopia: 130,  Uganda: 15 iyo  Libiya: 29 arday. sidoo kale deeqaha waxbarasho ee ardayda kaalimaha hore ka gashay waxbarashada isla markaana jaamacadaha dalka gudihiisa wax ku barta waxay dhan yihiin 448 Arday.

Tirada Dugsigayada hoose dhexe ee dawladu soo kordhisay waxay dhan yihiin 166 Dugsi.

Xaga caafimaadka waxa goboladda laga hirgaliyey goobo caafimaad iyo cisbitaal waxaanay kala yihiin Awdal waxaa ka hawl gala 3 Cusbitaal, Marooji Jeex: 5 Cusbitaal,  Saaxil : 2 Cusbitaal,  Togdheer:3 , Sool : 3 Cusbitaal,  Sanaag: 4 Cusbitaal, Tirada Guud ee Cusbitaalada: 20

Dhanka Xarumaha caafimaadka ee kale sida MCH yada waxaa ka hawl gala Gobolada dalka sidan: Awdal :22,  Maroodi jeex:23,  Togdheer:16,  Saaxil: 11,  Sool:10 Sanaag:12,  Tirada Guud: 104.

Marka aan eegno qaybta ama xarunta ugu yar ee gargaar caafimaad bixiya oo loo yaqaano primary health unit ama Health Post waxay yihiin sidan: Awdal:36,  MaroodiJeex: 31,  Togdheer: 34,  Saaxil:15, Sool:30,  Sanaag: 27,  Tirada Guud: 173.

Sadexdaa goobood ee Caafimaad dadka soo gaadhi kari waaya waxaa loogu talo galay in ay soo qaadan Gadiidka loo yaqaano Umbulunce-ka ,hadaba tirada Gadiidkaas ayaa ah sida: Awdal : 4,  Maroodi Jeex:7, Togdheer: 4,  Saaxil: 4,  Sool:2,  Sanaag: 4,  Tirada Guud: 24.

Sidoo kale tirada maxkamadaha ee xukuumadu xilka kula wareegtay waxay ahayeen ilaa 97 hadana waxay guud ahaan gaadhayaan ilaa 154, sidoo kale si aqoontooda kor loogu qaado waxay xukuumada wax bartay 2 dii dufcadood ee ugu horeeyey ee ka soo baxa jaamacadaha sharciga oo dhanaa 80 arday, waxa kale oo xukuumada bilowday, isla markaana dardar galisay maxkamadaha Wareega ama Mobile Courts , waxyaabaha kale ee lagu dar dar galinayo cadaalada waxaa kamida oo hada gacanta lagu hayaa in la abuuro system la yidhaa case review oo dib uu eegis lagu sameeyo Kiis kasta oo la qaado, si looga daba tagi karo isla markaana loo hubin karo.

Wasiirku waxa kale oo sheegay inay xooga saareen sidii loo qabanqaaban lahaa dadka dadka tahriibiya waxaanu xusay inay Saddex boqol oo tahriibeyaal ah ay soo qabteen,  lix iyo toban tahriibiye oo ah kuwa dadka tahriibiya xukunno kala duwan lagu xukumay.  Sidoo kale waxa la soo qabtay labadii qof ee ugu waaweyn ee dadka tahriibaya ka dib markii ay isla kaashadeen dawladda Itoobiya.

“Ujeeddada ugu wayn ee Xukuumadu ka leedahay wada hadaladu waa in aynu xaqiijno Qaranimadeena iyo gooni isu-taageena, dhamaan wada hadaladii la galayna waxaynu ku galnay inagoo ah laba dawladood oo siman”ayuu yidhi wasiir Xirsi oo arrimaha dibadda ka hadlayey, waxaanu intaas ku daray “talaabooyinka guusha ah ee uugu horeeyana ay ka mid tahay in markii u horaysay Somaliland loo ogoladaay in Sanduuq Caawimo oo sanadkan dhammaa “11Milyan” loogu shubo oo aanan loo soo marin gacan kale”.

“Sanduuqan Somaliland Trust Fund waxa loogu talo galay in lagu horumriyo Mashaariicda ay kamidka yihiin Xoolaha”3.1 Million , Kaluumaysiga “1Million”, Wadooyinka “2 Million”,  Deegaanka1.6Million ” Biyaha “1.5 Million”,  Biyaha Caasimada “1.7″ Milyan sidoo kale si aynu isku filnaansho uga gaadhno wax soo saarka Xukuumadu waxay dajisay Siyaasada Food and Water Security” ayuu raaciyey hadalkiisa  .

Intaas ka dib waxay xildhibaanadii golaha Wakiiladu la boobeen wasiirka Su’aallo kala duwan oo ay wax ka waydiiyey warbixintiisa iyo ciidamadda gaarka u tobabaran oo dadku si weyn uga cawdaan kuwaas oo habeenki xiliyada dambe u dhaca guryaha, haseyeeshee wasiirku waxa uu kaga jawaabay in cadowga habeen iyo maalinba la qabanayo, isla markaana sababta habeenkii guryaha loogu daato qofka laga shakiyey ay tahay in lagu qabto guriga wixii u yaallay iyo wixii uu ku qabanayey si cadeyn ugu noqoto.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland