4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Shirweynaha Qaranka oo Maalintii Afaraad galay iyadoo looga hadlay dhowr qodobbo oo Maaliyaddu ay ka mid tahay (SAWIRRO)


Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Shir-weynaha Qaran ee geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya iyo hiigsiga sannadka 2016-ka ayaa galay maalintii afaraad, iyadoo diiradda lagu saarayo qodobka dib-u-habbeynta hay’adaha dowladda iyo hagaajinta maamulka.

Shirka qaybtiisa hore waxaa la siiyay soo jeediyeyaal khubaro khubaro ah, iyadoo saddex qof oo ka hadlay ay talooyin faahfaahsan ka bixiyeen sida loo dhisi karo hay’adaha Qaranka Soomaaliya sanadaha soo socota.

Khubarada oo kala ahaa: Cali Ciise Cabdi, Maxamed Cali Kalaay, Cabdiqafaar Axmed Cusmaan (Dool) iyo Inj. C/raxman Yaroow , waxayna mid mid u dul-istaageen sida loo dhisi karo hay’adaha dhaqaalaha dalka, hagaajin maaliyadeed oo hufan, in dowladda ay si nabadgalyo ah ula wareegto hanti Qaranka, in la dhiso hay’ad caddaaladeed oo madax-bannaan iyo qodobbo kale.

Dhinaca kale, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah culumada shirka ka qayb galaysa,  ayaa ergada shirka u jeediyay khudbad wacyi-galin ah, wuxuuna ka hadlay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in la ilaaliyo diinta Islaamka, islamarkaana wax walba laga hor mariyo diinta.

Inj. C/raxaan Yaroow oo ka mid ah xubihii hadalka ka jeediyay Shir-weynaha Qaran, ayaa ergada shirka iyo dhammaan qurbe-joogta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhisidda sanduuq qaran, kaasoo looga faa’iideysanayo dhismaha ciidamada qaranka iyo hay’daha dowladda.

Maanta ayaa waxaa loo gudbay wajigii labaad ee shirweynaha oo ah dood wadaagga loo sameynayo cinwaanka shirka, waxaana ka qayb galay koox laga xulay ergada oo su’aalo uga jawaabaya xubnaha shirka ka qaybgalaya.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya