4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Ciidammo Tababar lagu siinayay Warshaddii hore ee Nac-naca ee Muqdisho oo uga soo baxay xeradaas gadood awgiis

Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo tababar uga socday xero laga sameeyay warshaddii nac-naca ee magaalada Muqdisho ayaa gadood ahaan uga soo baxay xeradaas, iyagoo lagu arkayay iyagoo aan hub wadan waddooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo raxan-raxan u socday ayaa lagu arkayay xaafadaha ka tirsan degmooyinka Muqdisho, kuwaasoo war-baahinta u sheegay inay xeradaas uga soo baxeen daryeel la’aan.

Qaar ka mid ah ciidamadan oo la hadlay war-baahinta, ayaa sheegay inaysan helin wax daryeel ah tan iyo markii xeradaas la geeyey, waxaana tani ay qayb ka tahay cabashooyinka ciidamada dowladda.

“Hubkeennii waxaan uga soo tagnay xeraadii aan ka tirsanayn, waayo ma haysanno wax daryeel ah, waxaana u bareernay in nala dilo ama nala daayo” ayuu yiri mid ka mid ah askarta.

Askarigan ayaa sheegay inay tiradoodu tahay in ka badan laba boqol oo askari, isagoo xusay inay dib ugu laabanayaan xeradii ay ku sugnaayeen haddii loo ballanqaado in daryeel la siin doono.

Taliska ciidamada xoogga dalka iyo wasaaradda gaashaan-dhigga ayaan weli ka hadlin ciidamadan sheegay inay gadood ahaan uga soo baxeen xeradii ay ku jireen, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ay sheegaan inay gadood ahaan uga soo baxeen xeradooda.

Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay ku bixin doonaan daryeelka ciidamada dowladda dhaqaalaha ugu badan, iyagoo horay tababarro ugu soo xiray ciidammo milateri ah, xeryo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Ciidamada lagu tababarayo gudaha dalka ayay madaxda dowladdu ku sheegeen inay yihiin kuwo qayb ka qaadanaya sugidda ammaanka guud ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya