4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2013
Baarlamaanka Kenya oo maanta su’aalo ka weydiinaya saraakiil ammaanka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha dhacadadii Westgate


Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Baarlamaanka dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta su’aalo ku saabsan weerarkii Westgate Mall weydiiyaan saraakiisha laamaha ammaanka, sida booliiska iyo nabadsguidda iyo sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha dalkaas, Joseph Ole Lenku.

Guddiga ammaanka iyo difaaca baarlamaanka Kenya ayaa sheegay inay wax ka weydiin doonaan saraakiisha iyo wasiirka sidii uu ku dhacay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday dhismaha ganacsiga Westgate Mall.

“Su’aalaha inta badan aan weydiin doonno mas’uuliyiintan waxaa ka mid ah sida uu weerarku ku dhacay iyo sababta keentay in laga hortegi waayo,” ayuu yiri xildhibaan Dhoore oo ka mid ah xubnaha guddiga amaanka iyo difaaca baarlamaanka Soomaaliya.

Weerarkii Westgate Mall aya waxaa sheegatay Al-shabaab kaasoo sababay inay dhintaan in ku dhow 70-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ku dhow 200 oo qof, kuwaasoo ahaa dadkii goobta ka adeeganayay xilligii uu dhacay weerarka iyo kuwo lagu qabsaday.

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa waxay dhowr jeer isku eedeeyeen inay mid walba dayacday ammaanka Kenya, taasna ay keentay inay Al-shabaab fursad u hesho inay weerarkan oo maalmo qaatay ku qaaddo dhismaha xarunta Westgate Mall.

Taliyaha  hay’adda nabadsugidda Kenya ayaa horay u sheegay in weerarka ay ka dileen hal sano ka hor, inkastoo taas uu beeniyay taliyaha booliiska dalka Kenya, waxaana tani ay qayb ka tahay is eedeynta hay’adaha kala duwan ee ammaanka Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Ole Lenku oo warbaahinta dhowr jeer kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid si kaddis ah ku dhacay, isagoo xusay in weerarkan ay ka dhiganayaan tusaale ayna ka hortegi doonaan kuwo kale oo dhaca.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay inay adkeyn doonaan xuduudaha dalka Kenya ay la leeyihiin dalalka ay dariska yihiin, gaar ahaan Soomaaliya oo uu sheegay inay dhibaatada amni-darro ee ugu badan ay kaga timaaddo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya