3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2013
Maayarka Magaalada Hargeysa oo Billaabay Dhismaha Waddo Dheer oo ku Wareegi Doonta Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)


Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa bilaabay samaynta wadadda Boqol iyo kontonka loo yaqaan ee waqooyiga magaaladda Hargeysa, kaas oo isticmaali doonaan gaadiidka xamuulka ka soo qaadda Dekadda Berbera ee ku socda Itoobiya.

Wadadan ayaa loogu tallogalay inay noqoto mid wareegta oo xaafadaha magaaladda ku wareegta taas oo isku xidhi doonta  jidka laamiga ah ee Berbera, waxa kale oo lagu xidhi doonnaa wadada  xaafadda Maxamed Mooge ee koonfurta magaaladda Hargeysa, iyado loogu tallogalay in wadadani isku xidho dhamaan xaafadaha magaalada,  si looga raysto cidhiidhiga wadooyinka magaaladda dhexdeedda.

Sidoo kale wadadan la furayey ayaa waxa soo dhoweeyey dadka degan xaafadan kuwaas oo sheegay inay waddo xumo jirtay, isla markaana aanay hore maayaradii soo maray magaaladda aanay hore usoo booqan, iyagoo aad ugu bogaadiyey samaynta wadadan.

“Waxay ka mid tahay golaha cusub ee deegaanku waxyaalaha ay dadka ay doonayaan inay u qabtaan, waxaana waddan ka soo bilaabatay halka ay kaga dhacdo wadada galbeedka magaaladda Hargeysa kuna wareegi doonta illaa koonfurta magaaladda waxaana lagu xidhi doono wadada Berbera, taas oo loogu tallogalay inay magaaladda ku soo wareegto”ayuu yidhi Enj. Cabdilaahi Ubaxle oo ah injineerka dhulka ee dawladda hoose.  

Gudoomiyaha dhul bixinta ee dawladda Hoose Xildhibaan Maxamed Timacadde ayaa isna sharaxaad ka bixiyey waddadan iyo faa’iidadeedda, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi: “Wadadan waxay ku dhici doontaa waddada Berbera, waxaanay ka talaabi doontaa oo waxay ku xidhmaysa wadada Maxamed Mooge illaa Star bay soo mari doontaa, waxaan ugu baaqayaa dadweynaha inay ka urur sadaan dadka degan wadooyinkan dhexdeedda marka waa inay baneeyaan jidka ay marayso wadadan, tijaarta magaaaladan waxaan leeyahay ka qaybqaata dhisidda wadadan oo halbawle u ah magaaladda”

Maayarka magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in wadadan halbawlo u tahay magaaladda, isla markaana ay mari doonaan baabuurta Rarka u sida Itoobiya iyo goboladda Galbeedka.

“Waxaan halkan ka bilaabaynaa wejigii labaad ee wadadan, waxaana wejigii hore ka soo bilaabmay Buurta kala jeexan ee galbeedka magaaladda, waxaan u sheegayaa dadweynaha meelaha la beenayo sii degaya, horta waddo labaneeyey dhul lagu heli maayo ee waa dambiile waana qaadicul dariiq qofka dega waddo badhtankeed”ayuu yidhi maayarka magaaladda Hargeysa Cadbiraxmaan Soltelco oo wadadan ay baneenayaan ka hadlaya, waxaanu intaas ku daray “Wadadan waxay saxmadda ka yaraynaysaa wadooyinka magaaladda dhexdeedda, magaaladda dhexdeeda waxaanu u samanay cagafcagafyadda oo Dirawaliinta midba galin shaqayn doonta oo baneen doono wixii waddo la xidhay”

Maayarka oo shacabka reer Hargeysa la hadlaya si ay ula shaqeeyaan waxa uu yidhi “hadaan wax la wada qaban waxba ma qabsoomayaan ee gacmaha aynu is qabsano oo aynu wada shaqayno, qofku haddii uu xashiishku hortiisa dhigay intee ayey shaqaalaha iyo xildhibaanaddu u qaybsami karaan labaddii boqol ee guriba qof baa ku soo hagaagaya ee aynu ka wada shaqayno wixii bilicdda wax u dhimaya”

Sidoo kale waxa isna ka hadlay Gudoomiyaha degmadda Gacan libaax, Maxamed Salaad (Maxamed Subeer) oo sheegay in marka wadadan la dhameeyo wadooyinka degmaddan ee xidhan ee dhirta iyo dhagxaantu xidheen la banayn doonno.

Dhinaca kale, waxa uu maayar  Cabdiraxmaan Soltelco saakka  subaxii kormeer kadis ah ku tagay degmadda Gacan libaax iyo degmadda Axmed dhagax oo uu soo kormeeray qaabkay u shaqaynayaan iyo sida ay hawluhu u socdaan, waxaaanu shaqaalaha iyo masuuliyiintii degmooyinkaasi iyo dadweynihii xafiisyadda joogayba wax ka waydiiyey qaabkay shaqadda u socoto.

Si kastaba ha ahaatee, golaha deegaanka cusub ee uu horkacayo maayarku ayaa dardar xoog leh ka wadda hagaajint a iyo bilicda magaaladda, waxaanay mudadooyinki u dambeeyey ku mashquulsanaa sidii wax uga bedeli lahaayeen nidaamka ay shaqayso dawladda hoose ee magaalada Hargeysa.






Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
9/3/2013 4:06 PM EST
Cumar Hammami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-ameeriki ayaa shaaca ka qaaday in uu gabi ahaanba isaga baxay uruweynaha Al-qaacida iyo Al-shabaab oo uu hore uga tirsanaa.

9/3/2013 3:47 PM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire ayaa maanta dhagax dhigay dugsi sare oo laga hirgelinayo degmada Taleex ee gobolka Sool.

9/3/2013 3:36 PM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Kulan doorasho ah oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ganacsade C/rashiid Shire Il-qayte loogu doortay guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir, kaddib markii uu ka adkaaday haweenkay xilkaas kula tartamaysay.

9/3/2013 11:01 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu horkacayay madaxweynaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoona ay wehlinayeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka.

9/3/2013 9:55 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya, Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayaa maanta Muqdisho ka furay shirkii wada-tashiga barnaamijka Higsiga Cusub “ New Deal” oo socon doona saddex maalmood. Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin ka kala socda laamaha dowladda, xildhibaanno iyo ururrada bulshada rayidka ah.

9/3/2013 9:35 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Inta la ogyahay laba qof ayaa ku dhintay tiro ka badan toban qof oo kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay goob shidaalka lagu kaydiyo oo ku taalla agagaarka dhismaha Say-biyaano ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

9/3/2013 7:30 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in la weeraray gaadiid uu la socday madaxweynaha Soomaaliya oo degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose ku socday, kaddib markii Al-shabaab ay sheegtay inay weerartay gaadiidkii uu madaxweynuhu la socday.

9/3/2013 6:53 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) - Ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira dawlada Soomaaliya ayaa shaaciyay in weerar ay ku qaadeen gawaari kolonyo ah oo galbinaysay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo maanta safar dhulka ah ku aaday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

9/3/2013 3:50 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar dhulka ah ku gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo tani ay noqonayso booqashadii ugu horreysay oo dhinaca dhulka ah oo madaxweynuhu uu ku tago deegaanno ka mid ah Soomaaliya.

9/3/2013 3:28 AM EST
Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa waxaa xalay kulan ku yeeshay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Tedros Adhanom. Kulanka ayaa ka dhacay Hotel Sheraton.