4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2013
Dab khasaare kala duwan geystay oo ka kacay goob shidaalka lagu kaydiyo oo ku Taalla Siliggii Mareykanka ee Muqdisho

Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Inta la ogyahay laba qof ayaa ku dhintay tiro ka badan toban qof oo kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay goob shidaalka lagu kaydiyo oo ku taalla agagaarka dhismaha Say-biyaano ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dabkan oo aan la ogeyn wixii sababay ayaa wuxuu burbur xooggan u geystay garaashyo lagu kaydiyo shidaalka iyo dhismayaal isugu jiray kuwo ganacsi iyo kuwo deegaan ah oo ku dhawaa goobta uu dabku qabsaday.

“Garaashyo lagu kaydiyo shidaalka oo ku yaalla Siligga Mareykanka ayuu dab xooggan ka kacay, waxaana ku dhintay inta aan arkay laba qof oo ku jiray goobta uu dabku ka kacay, waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo qof oo kale,” ayuu yiri goob-jooge ganacsi ku haysta meel ku dhow halkaas.

Shacabkii ku noolaa guryaha ku dhow goobta uu dabku ka kacay ayaa bilaalay inay isaga cararaan guryahooda, iyagoo ka baqdin qaba inuu dabku soo gaaro, maadaama guryo ku dhowr halkaas ay gubteen.

Dukaammada ganacsiga iyo bakhaarro ku dhow isla goobtaas ayaa waxaa laga daad-gureynayaa alaabooyinkii yaallay, iyadoo dabkuna uu ahaa mid si aad ah u fidiyay, inkastoo hadda la hakiyay.

Ciidammo fara badan ayaa ku sugan goobta, kuwaasoo ka ilaalinaya dadku inay galaan halkaas, waxaa sidoo kale ku sugan ciidamada dab-demiska, kuwaasoo iyaguna ku howlan inay dabkaas damiyaan.

Qaraxyada ay sameynayaan fuustooyinka uu shidaalku ku jiro ayaa goobta iyo agagaarkeeda laga maqlayay, iyadoo dabkan uu noqonayo kii ugu xoogga badnaa ee sannadkan ka kaca Muqdisho.

Khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabkan ayaan illaa hadda la ogeyn, iyadoo shidaal fara badan uu ku gubtay halkaas, sidoo kalena ay gubteen guryo iyo goobo ganacsi oo ku dhawaa halka uu dabku qabsaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya