4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2013
Shirkii Brussels oo lasoo Gabagabeeyay iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dhaqaalaha Somalia loogu deeqay


Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Shirkii looga hadlayay higsiga cusub ee Soomaaliya ayaa lagu soo gabgabeeyay magaalada Brussels iyadoo uu ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya dhaqaalaha loogu deeqay Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in loogu deeqay Soomaalia lacag dhan 1.8-bilyan oo doollar, isagoo xusay in caalamku uu muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu garab-istaago Soomaaliya.

“Halkan waxaa lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Soomaaliya, calaamkuna wuxuu ugu deeqay Somalia lacag gaaraysa 1.8 bilyan,” ayuu madaxweynuhu ka sheegay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen shirka kaddib madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Chatherine Asthon.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in mashruucan uu yahay mid furan oo ay ka faa’iideysan doonaan dhammaan Soomaalida, isagoo xusay in cid si gaar ah u isticmaalaysa lacagtan iyo cid loo diidayo inaysan jirin, balse ay tahay mid Soomaalida oo dhan loogu deeqay.

“Dhaqaalahan lagu yaboohay Soomaaliya waxaa lagu fulin doonaa wixii aan innagu doorano in naloo qabto, balse ma ahan dhaqaale lagu qabanayo wixii la doono sidii horay u dhici jirtay,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xarriiqay in beesha caalamku ay muujisay inay diyaar u tahay inay caawiso Soomaaliya, balse Soomaalida laga doonayo inay iyagu noqdaan kuwo la caawin karo.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula talinayaa inay iska daayaan khilaafka, xanta, fara isku fiiq-fiiqa iyo wixii la mid ah ayna u diyaar-garoobaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dib u dhiska dalkooda. Haddii beesha caalamku ay u aragto inaydaan lacagtan hanan karin, ma jirto wax diidaya inay meelo kale u wareejiso,” ayuu madaxweyne Xasan ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dhaqaalahan sida loo isticmaalayo loo saari doono guddi, wuxuuna xusay inaysan noqon doonin kuwo ku dhaca jeeb gaar ah, balse ay tahay mid loogu adeegayo Soomaalida oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya