4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2013
Midowga Yurub oo ugu Yaboohay Qorshaha dib loogu dhisayo dalka Somalia lacag gaaraysa 862 Milyan oo Doollar


Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga reer Yurub, Jose Manuel Barroso ayaa sheegay in Midowga Yurub uu dib u dhiska Soomaaliya ugu yahoobay 862-milyan oo doollarka Mareyanka ah, isagoo sheegay in shirka Brussels uu yahay mid lagu xoojinayo horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha caalamka ayaa ka qayb-galaya shirka oo lagu sameynayo qorshe lagu dhisayo ammaanka Soomaaliya iyo nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Lacagtan ayaa waxay qayb ka noqonaysaa dib u dhiska Soomaaliya iyo dib u habeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda saddexda sano ee soo socota, iyadoo sidoo kale la filayo in dalal badan oo shirka ka qaybgalaya ay lacago ku yaboohaan.

“Waxaan ku faraxsannahay inaan ku yaboohno 650-milyan oo Euro ($862) oo lacag dheeraad ah oo lagu taageerayo wejiga cusub ee dib u dhiska dalka Soomaaliya,” ayuu Barroso warfidiyeenka ugu sheegay halka uu ka socdo shirka lagu caawinayo Soomaaliya, isagoo xusay in lacagtan dheeraadka ah ay tahay 1.2 bilyan oo Euro oo Midowga Yurub uu ku bixinayay arrimaha Soomaaliya tan iyo 2008.

Dowladda Britian ayaa si gooni ugu dhawaaqday yabooh lacageed dhan 79 milyan, taasoo qayb ka noqonaysa yahoobaha dhaqaale ee loo ururinayo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxda Reer Yurub ayaa ku rajo weyn in deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee ku sugan shirka ay ku yaboohi doonaan lacag ka badan hal bilyan oo Euro oo lagu taageerayo qorshaha dib u dhiska Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya