4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2013
Shirka loo Qabanayo Somalia oo ka furmay Brussels iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay

Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Shirka Soomaaliya loogu qabanayo dalka Belgium ayaa goor dhow ka furmay magaalada Brussels ee xarunta dalkaas, iyadoo uu hadal ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo ay shirka wada-guddoominayaan isaga iyo Catherine Ashton.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadda uu ka jeediyay shirka wuxuu ku sheegay, in Soomaaliya ay ka baxayso xilli dhibaato badan ayna xilligan jirto rajo weyn, isagoo beesha calaamka ka dalbaday inay Soomaaliya gacan ku siiso sidii ay dib ugu dhismi lahayd.

“Heshiiska higsiga cusub ama New Deal waa mid lagu caawinayo Soomaaliya si ay dib ugu dhisanto,” ayuu ku yiri madaxweynuhu khudbadda uu shirka ka jeediyay, isagoo sheegay in beesha caalamka ay Soomaaliya ka caawiyeen dib u soo celinta ammaanka, tababarka kumannaan askari iyo arrimo kale oo fara badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyada dib u heshiisiinta, cadaaladda, arrimaha siyaasadda, dib u habeynta garsoorka iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ugu baaqay beesha calaamka inay taaageeraan habka xawaaladaha ee lacagaha lagu diro, taasoo ay ku tiirsan yihiin shacab Soomaaliyeed oo fara badan, isagoo ku boorriyay inay ka hortagaan qorshaha Bangiga Barclays uu ku joojinayo xiriirka uu la leeyahay xawaaladaha Soomaalida.

“Lacagta la mariyo xawaaladaha waxaa ku tiirsan dad badan oo sabool ah oo ku nool gudaha dalka Soomaaliya. Waxaan ugu baaqaynaa xawaaladaha in iyagu ay howshoodu noqoto mid cad oo ay ku kalsoonaan karaan bangiyada ay xiriirka wada-shaqeyneed la leeyihiin,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in marka la gaaro 2016-ka dalka laga qaban doono doorasho ku dhacda si dimuqraadiyad ah, si ay shacabku usoo doortaan mas’uuliyiintii hoggaamin lahayd.

“Anigu aad ayaan ugu kalsoonahay in maamulka aan madaxda u ahay uu si wanaagsan dalka ku maamulayo, waxaanna howsheenna kusoo gaba-gabeyn doonnaa si guul leh,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in higsiga cusub uu yahay mid lagu dhisayo dalka, isagoo beesha calaamka ku boorriyay inay sii xoojiyaan taageeradooda Soomaaliya, maadaama xilligan ay Soomaaliya ka jirto nabad iyo rajo weyn.

Shirkan oo maanta oo keliya socon doona ayaa waxaa lagu wadaa inay ku yaboohdo beesha caalamku lacag gaaraysa in ka badan hal bilyan oo dollar tasoo dib loogu dhisayo dalka, hay’adaha dowladda, ciidamada iyo sidoo kale baahiyaha ka jira guud ahaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya