4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2013
Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga oo Maanta lagu Wareejinayo Maamulka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho


Axad, September 15, 2013 (HOL) — Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo FAVORI LLC ayaa maanta si rasmi ah ula wareegaysa gacan ku haynta maamulka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, iyadoo xilka kala wareegaysa shirkadda SKA Air & Logistic oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay haysay maamulka garoonka diyaaradaha.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in kala wareegga shirkadahani uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

“Howsha kala wareegga ah waxay bilaabatay 3:00 galabnimo ee shalay oo Sabti ahayd, waxayna ku ekeyd 9:00 aroornimo ee saaka oo Axad ah; wax saameyn ahna kuma yeelan howlaha garoonka diyaaradaha,” ayuu ku yiri wasiirku hadal uu warbaahinta siiyay kaddib kulan uu la qaaday xubno ka tirsan madaxda labada shirkadood.

Shirkadda Turkiga laga leeyahay ayaa waxay sheegtay inay horumarin weyn ku sameyn doonto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo horraantii bishan keensaday qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen, waxaana SKA ay xalay bilowday in qalabkeeda ay garoonka kala baxdo.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa wuxuu haatan noqday mid ay ku soo degi karaan diyaaradaha caalamiga ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Air Uganda iyo Turksih Airlines, iyadoo sidoo kale ay yimaadaan shirkado kale oo caalami ah.

Bishii Juun ee sannadkan ayay golaha wasiirradu meel mariyeen heshiiska lala galay  shirkadda Turkiga laga leeyahay ee FAVORI LLC, iyadoo tan iyo xilligaas ay soo socdeen qorshayaasha ay kula wareegayso garoonka.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya