4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
Hay’adda Samafalka Hormuud oo Gaari-gacanno ugu qaybisay Muqdisho 40 qof oo xoogsato Soomaaliyeed ah (SAWIRRO)


Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Hay’adda samafalka Hormuud Telecom Foundation ayaa  iyadoo ka jawaabaysa codsiga qaar ka mid xoogsatada ku xamaalata gaari-gacannada ayaa 40 ruux oo ka mid ah waxay u qaybisay gaari-gacanno ay ku shaqeystaan.

Xoogsatadan ayay shirkaddu sheegtay in horay looga ijaaran jiray gaari-gacannadii ay ku shaqeyn jireen, balse kuwa ay siisay ay yihiin kuwo ay ugu talogashay inay iyaga yeeshaan si ay ugu soo saartaan nolol maalmeedkooda.

Madaxa hay'addan, Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in mashruucaan ay u sameeyeen kaddib codsi uga yimid xoogsatada ku xamaasha gaari gacanka oo uu sheegay in maalinkiiba looga kireysan jiray gaari-gacankiiba 15,000 illaa 20,000 shillin Soomaali ah, maanta laga billaabo xor ayay u yihiin xoogsigooda oo wixii kasoo baxaya waa mid ay iyagu leeyihiin.

"Gaari gacammadan waxaa iska leh dadkaan aad arkeysaan lagamana iibin, kirana lagama rabo," ayuu yiri C/llaahi Nuur oo intaas ku daray inay tani ka mid tahay howlaha ay ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo.

Mas’uulkaan ayaa hadalkiisa ku daray inay gacanta ku hayaan gaari-gacanno kale oo ay ugu talogaleen inay xoog-satada u qaybiyaan, ayna sidan oo kale meel fagaare ah kusoo bandhigi doonaan.

Qaar ka mid ah dadkii la guddoonsiiyay gaari-gacannada oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin ayna dareemayaa xorriyad maaliyadeed, cid kalena aysan la wadaagi doonin wixii xoogsiga ka helaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha hay’adda Hormuud Foundation ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay shaqooyin ugu abuuraan haweenka haysta caruurta agoonta ah, kuwaasoo xilligii munaasabadda ku sugnaa xarunta hay'adda.

Hay'addan ayaa wadda howlo xariir ah ay wax ugu qabaneyso dadka dan-yarta ah ee ku nool gobolka Banaadir, waxaana si weyn loogu xasuustaa mashruucii Ramadaankii lasoo dhaafay ay ka fulisay Muqdisho ay ku baxday in ka badan nus malyuun doollar.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya