4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo Kulankooda Maanta ku dhageysan doona Warbixinno ku saabsan Soomaaliya

Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa waxay maanta kulan ay ku dhageysanayaan xaruntooda Muqdisho waxay ku dhageysan doonaan warbixinno ku saabsan xaaladaha gobollada dalka iyo nolosha dadka ku nool.

Warbixinnadan ayaa waxaa bixin doona xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo intii ay fasaxa ku jireen booqashooyin kala duwan ku bixiyay gobollada dalka qaarkood, iyagoo u kuurgalayay xaaladaha ay ku nool yihiin shacabka ku nool deegaannadaas oo ay codkooda ku hadlaan.

Kulanka mudanayaasha baarlamaanka ee Somalia ayaa wuxuu noqonayaa kulankii koowaad ee kal-fadhigii labaad ee golaha baarlamaanka, iyadoo inta uu kulankan socdo lagu dhageysan doono warbixinno kale oo ay ka mid yihiin heshiisyo dhexmaray baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaannada dalalka Britain iyo Uganda.

Heshiisyada uu baarlamaanku galay oo ahaa kuwo uu kula mataanoobayay labadan baarlamaan ayaa waxaa warbixinnadooda laga dhageysan doonaa guddoonka sare ee baarlamaanka oo uu ka mid yahay Prof. Jawaari oo kal hore booqday magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay fasax ku jireen hal bil, iyadoo bishii kale ee fasaxooda ku jiray kulammo aan caadi ahayn oo ay ku meel-mariyeen hidise-sharciyeedyo ay u soo gudbisay xukuumadda Somalia.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo furitaankii kal-fadhigii koowaad ee baarlamaanka ka hadlayay ayaa sheegay in xidhibaannada baarlamaanka laga doonayo inay dhexda u xirtaan sidii dalkan lagu gaarsiin lahaa dimuqraadiyad iyo doorasho xor ah.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku ammaanay baarlamaanka inuu howlo wanaagsan qabtay muddadii halka sano ahayd ee uu jiray, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay xildhibaannada inay xukuumadda mar walba kula xisaabtamaan howlaheeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya