4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2013
Musharraxii Koowaad ee isku Taaga Xilka Madaxweynenimo ee Maamumlka Koonfur-Galbeed oo looga dhawaaqay Baydhabo

Jimco, September 13, 2013 (HOL) — Shirweyne ka socda Baydhabo ayaa looga dhawaaqay Khamiistii shalay ahayd musharraxii ugu horreeyay ee isku soo sharraxay xilka madaxweynimo ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaasoo ah Dr. Aweys Sheekh Muxyadiin, iyadoo ay taageero u muujiyeen waxgaradka iyo aqoonyahannada shirka ka qaybgalaya.

Waxgaradka iyo aqoonyannada shirka kasoo qaybgalay ayaa waxay dood ka yeesheen habka doorashadu u dhacayso iyo dhismaha maamulkaas, iyagoo sheegay in musharraxa xilka isku soo taagay uu yahay mas’uul si weyn uga dhex-muuqday shacabka gobollada maamulka sameysanaya xilliyadii ay ka jireen abaaraha iyo colaadaha daran.

“Dr. Aweys waa wadani wax badan bulshada u qabtay, xilligii 1992-kii oo macaluusha ugu xumayd ay ka jirtay Baydhabo wuxuu sameeyay inuu warhaabinta caalamka tuso dhibaatadii ka jirtay halkan iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah, taasoo keentay inay soo gurmadaan dowlado badan oo caalamka ah, uuna Baydhabo yimaado madaxweynihii Mareykanka ee xilligas, Goarge Bush, madaxweynihii Ireland, Marry Robsan iyo xubno kale oo caalamka ka kala socday, isaga ayaana horkacayay” ayaa lagu yiri qoraal uu shirka ka akhriyay C/llaahi Cabdi Maxamed oo ah guddoomiyaha aqoonyahannada gobollada Bay iyo Bakool.

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa magaalada Baydhabo gaaraya ergooyin kala duwan oo ka imaanaya dalka dibaddiisa iyo gudihiisa si ay uga qaybgalaan shirka maamul u sameynta gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Shirka ayaa wuxuu ka socdaa xarunta ADC-da ee Baydhabo oo ahayd halkii uu deggenaa baarlamaanka Soomaaliya xilligii ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee uu horkacayay marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

Musharraxan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo si rasmi ah loo sheego in uu taagan yahay xilka ugu sarreeya maamulka lagu sameynayo Baydhabo ee ay ku midoobayaan lixda gobol ee ku yaalla Koonfurta iyo galbeedka dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya