4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Xaflad dhiiri-gelin ah Hargeysa ugu sameysay Haweenka Ciidanka ku jira (SAWIRRO)


Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamed Jirde (Aamina Weris),  ayaa munaasibad ay ku dhiirigalinayso haweenka ciidamadda kala duwan ku jira ee darajooyinka  la siiyey ugu qabatay magaaladda Hargeysa.

Xafladan lagu casuumay haweenka Ciidanka ku jira ee Darajooyinka la siiyey ayaa lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargaysa, waxana ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenada wasaaradaha shaqada iyo arimaha bulshada iyo caafimaadka oo ay wehelinayeen la taliyaha haweenka ee madaxweynaha iyo taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi fadal iimaan, taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Gaashaanle Sare Xasan Cali dheere, gudoomiye ku xigeenkla xisbiga Kulmiye Maxamed kaahin Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

Marwo Amaal xaaji Miisaan la taliyaha madaxweynaha ee arimaha haweenka ayaa sheegtay in ujeedada munaasabadani tahay mid lagu soo dhoweynayo haweenkii derejooyinka kala duwan ka helay ciidamada kala duwan ee Somaliland, waxaanay ka mid tahay balanqaadadii xukuumadda ee ku aadanaa derejo bixinta ciidamada iyo door inay haweenku ku yeeshaan talada wadanka.

Marwadda Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamed Jirde (Aamina Weris) ayaa soo dhowaysay saraakiishan haweenka ah ee shaqadii ay ummadda u hayeen ku dalacay, waxaanay intaas ku dartay inay xukuumadani doonayso inay horumariso haweenka, isla markaana ka qaybqaataan siyaasadda iyo difaaca dalka.

Marwada madaxweynuhu ayaa xustay inay haweenkan ku hambalyeysayo darajooyinka ay heleen ee iskugu jira qaybaha kala duwan, iyadoo tilmaamtay inay mustaqbalka ay gaadhi doonaan darajada ugu sareeya ee jananka.

Sidoo kale waxa iyaguna soo dhoweynta saraakiisha dumarka ah ee darajooyinka ciidanka la siiyey ka hadlay wasiir ku xigeenka caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan, wasiir ku xigeenka arrimaha bulshada iyo shaqadda Shukri Xariir, kuwaas oo madaxweynaha uga mahadnaqay doorka ay haweenku ka heleen derejooyinka ciidamadda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Gaashaanle sare Xasan Cali dheere iyo Gaashaanle Hibo Maxamed Biixi oo ah taliyaha u saraysa haweenka ciidanka booliska Somaliland ayaa dhamaantood uga mahad celiyey marwada madaxweynaha munaasabadan dhiirigalinta ah ee ay u samaysay haweenka qaybta ka helay derejooyinka ciidamada.












Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland