4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Hoteel ay daganaayeen dad Qurbo-joog ah oo la Weeraray iyo Prof. Jawaari oo Maalmaha soo socda ku wajahan Baydhabo

Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Hoteel  ku yaalla magaalada Baydhabo oo ay deggenaayeen qurbe-joog kasoo jeeda goballada Bay iyo Bakool oo doonayay inay ka qayb galaan shir-weynaha lagu sameynayo maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa lagu weeraray bam-gacmeed.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaalada mid ka mid ah dadkii degenaa hotel Melbourne kaasoo u shaqeynayay hay’adda Bisha Cas ee dalka Qadar, waxaana dhaawiciisa la dhigay isbitaalka magaalada Baydhabo.

Toddobaadkan ayaa magaalada waxaa soo gaaray ergooyin ka kala socda dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, kuwaasoo u imaanaya shir-weynaha maamul u sameynta lix gobol oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Maalmaha soo socda waxaa la filayaa inay yimaadaan xildhibaanno ka socda golaha baarlamaanka Soomaaliya oo uu horkacayo guddoomiyahooda Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobalka Bay.

Hiiraan Online, Baydhabo