4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Kooxo hubeysan oo xalay Nabadoon ku dilay Magaalada Beledweyne

Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku toogtay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne nabadoon C/dulle Macalin Siyaad oo ka mid ahaa waxgaradka magaalada.

Dad goob joogayaal ahaa ayaa HOL u sheegay in labo nin oo bastoolado ku hubeysnaa ay toogasho ku dilleen xili sida la sheegay uu ka soo baxay masjid uu ku yaalla xaafadda, waxaana markiiba goobta ka baxsaday raggii dilka geystay.

Dilka nabadoonka kadib waxaa gaaray xaafadda Howl-wadaag ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobolka Hiiraan oo howlgal ballaaran ka sameeyey aagga uu dilku ka dhacay, waxaana howlgalkaas lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo qaarkood la tuhusan yahay.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda rasmiga ah uga danbeysay dilka nabadoonka, laakiin saraakiisha ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyey Al-shabaab.

Magaalada Beledweyne ayaa horay siyaabo kala duwan loogu bar-tilmaameesaday xubno ka tirsanaa odayaasha dhaqanka magaaalada, waxaana dilkii kan ka horeeyay lagu khaarajiyay afhayeenkii golaha odayaasha dhaqanka ee gobollka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya