4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2013
Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh oo khudbad ka jeediyay shirka looga hadlayo ka hortagga Burcad-badeeda (SAWIRRO)
a


Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeeediyey furitaanka shirka ka hortaga burcad-badeedda ee ka socda magaaladda Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa marka hore u mahad-celiyey dowladda Imaraadka Carabta oo sanad walba qabata shirkan, isagoo yiri: ”Aad ayaan uga mahad-celinayaa dowladda Imaraadka qabashada shirkan iyo fahamka khatarta burcad-badeedda.”

“Dowladda Soomaaliya diyaar ayay u tahay la shaqeynta caalamka si loo dhaqan-geliyo muhiimadaha gaarka ah sida, ammaanka, cadaaladda, hagaajinta maamulka maaliyadda, dowlad-wanaaga iyo kuwa kalaba,” ayuu ku yiri madaxweynuhu khudbaddiisa.

Shirkan oo sigaar ah looga hadlayo sanadkan ka hortagga burcad-badeedda iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhismaha awood ka hortagta burcadda badaha, ayaa  madaxweynahu ka sheegay in xalka kama dambeysta ahi uu ku jiro in dowladda Soomaaliya lagu taageero sidii ay u yeelan lahayd ciidamo badeed oo xooggan.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Imaaradka Carabta, Sheekh Cabdalla Bin Saayed, isagoo kala hadlay xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya