3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Dalalka Soomaaliya iyo Yeman oo Maanta heshiis iskaashi ku kala saxiixday Magaalada Sanca ee Xarunta Yemen (SAWIRRO)


Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maanta heshiis iskaashi kula saxiixatay magaalada Sanca xukuumadda dalka Yemen kaddib kulammo maalmihii lasoo dhaafay ay halkaas ku yeelanayeen wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalka Yemen.

Iskaashiga ay kala saxiixdeen labada dala ayaa waxaa ka mid ah dhinacyada ammaanka, siyaasadda, ganacsiga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo waxbarashada.

Heshiiskan oo ay goob-joog ka ahaayeen ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo ra’iisul wasaaraha dalka Yemen, Maxamed Saalim Basanduwa waxaa u kala saxiixay labada dal wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya, Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo wasiirka qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ee Yemen, Dr. Maxamed Al-Sacadi.

Heshiiska iskaashi ee labada dowladood ay maanta ku kala saxiixdeen Sanca wuxuuna xoojinayaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal u dhexeeya, kuwaa oo ay ka mid ahaayeen:

1.   Iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo maal-gashiga.
2.   Iskaashiga dhinaca waxbarshada iyo dhaqanka, tacliinta sare iyo warbaahinta.
3.   Iskaashiga dhinaca siyaasadda, nabadgalyada, gaashaandhigga iyo cadaaladda.
4.   Iskaashiga dhinaca arrimaha bulshada iyo qoxootiga.

Waxaa heshiiskan fulintiisa u xil-saaran guddi heer wasiir ah oo ay kala hoggaaminayeen wasiiradda arrimaha dibadda ee labada dal, waxaana shirarkooda ay ku qabsan doonaan magaaladda Muqdisho iyo Sanca.

Waxaa kaloo la isla gartay in heshiiskan ay ka farcami doonaan heshiisyo gaar ah oo u dhexeeya wasaaradaha kala duwan ee labada dal oo si faah-faahsan u qeexi doona iskaashiga labo wasaaradood oo kasta.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/10/2013 1:58 PM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Kaddib markii golaha malaaqyada Digil iyo Mirifle ay dhawaan amar ku bixiyay in wafdi ka socda dowladda Soomaaliya aysan imaan karin magaalada Baydhabo, ayaa waxaa loo diiday in magaaladaas ay galeen wafdi ka socday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada.

9/10/2013 1:26 PM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxmauud (Siillaanyo), ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyey in ka badan kun arday oo ka qalinjabisay jaamacadda Golis ee magaaladda Hargeysa.

9/10/2013 1:20 PM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Munaasabad qado sharaf ahayd oo lagu soo dhaweynayey wafdigii uu hoggaaminayay Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

9/10/2013 1:16 PM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Fanaanadda caanka ee Soomaaliyeed, Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuura) ayaa dib ugu soo laabtay 22-sano kaddib magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, kaddib casuumaad ay ka heshay maamulka gobolka Banaadir.

9/10/2013 1:00 PM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Haweeney ayaa ku dhimatay laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo gellinkii dambe ee maanta ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

9/10/2013 10:03 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Xafiiska Imtixaanaadka wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasallada afaraad ee dugsiyadda sare iyo fasallada siideeddaad ee dugsiyada dhexe.

9/10/2013 9:38 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Inkastoo ay ku adkeyd in helaan tasiilaadkii iyo taageeradii ay u baahnaayeen haddana waxaa la oran karaa guddiga Isboortiga gobolka Hiiraan iyo naadiyada kala duwan ee ka dhisan gobolka bilihii ugu danbeeyay waxaa ay sameeyeen hormar ballaaran kadib markii tartamo is daba joog ah oo sare u qaadaya mooralka iyo niyada cayaartooyda ay ku qabteen magaalada Beledweyne.

9/10/2013 9:05 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Ra’isul Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo wafdigiisa ayaa xalay ka qayb-galay munaasabad soo dhaweyn ah oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Yemen ay u sameeyeen, xafladdan ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxaana lagu soo bandhigay gaaddo-ka-ciyaar, heeso iyo murti kala duwan. Iyadoo jaaliyadda Soomaalidu muujisay sida ay ugu hiloobeen dalkooda ayna ka shaqeynayaan sidii ay ugu laaban lahaayeen.

9/10/2013 9:05 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha ugu faca-weyn Soomaaliya ayaa shalay kusoo gaba-gabeysay magaalada Muqdisho tartan ay ugu magic-dartay todobaad dhaqanka kaasoo lagu soo dhaweynayay ardayda cusub ee ku soo biirtay jaamacadda.

9/10/2013 7:37 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiliay wafdi ka socday dalka Shiinaha oo uu hoggaaminayay safiirka Shiinaha ee Kenya, Liu Guangyuan ayaa waxaa ka mid ahaa khubaro ku xeel dheer qiimeynta dhismaha.

9/10/2013 7:23 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Kal-fadhigii saddexaad ee baarlamaanka Somalia ayaa maanta ka furmay Muqdisho iyadoo uu hadal dheer ka jeediyay madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo uu kaga hadlay waxqabadka xukuumaddiisa tan iyo markii isaga la doortay.

9/10/2013 7:05 AM EST
Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa maanta la horgaynayaa maxkamada dambiyada dagaalka ee The Hague, halkaasoo uu kaga jawaabi doono dacwado loo heysto oo ku aadan rabshadihii ka dhashay doorashooyinkii la isku khilaafay ee sanadkii 2007-dii ka dhacay dalka kenya.

9/10/2013 2:22 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Sheekh Axmed C/samad oo ka mid ah culummada ka qaybgalaya shirka looga xag-jirnimada ee Muqdisho ka socda ayaa sheegay in sababta loogu tukan la’yahay masaajidda Muqdisho ay tahay cabsi laga qabo Al-shabaab.

9/10/2013 1:58 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku beegan tahay hal sano kaddib markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed waxay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen waxqabadka dowladda halkii sano ee lasoo dhaafay.