4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Qarax Sababay Khasaare isugu jira dhimasho & dhaawac oo maanta gelinkii dambe ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha

Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Haweeney ayaa ku dhimatay laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo gellinkii dambe ee maanta ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid lagu weeraray askar ka tirsan ciidamada dowladda oo marayay qaybta sarifka lacagaha qalaad ee suuqaas, iyadoo aanay jirin wax khasaar ah oo ciidamada dowladda kasoo gaaray weerarkaas.

“Galabta waxaa ka dhacay suuqa qarax bambaano oo lagu weeraray askar ka tirsan cidamada dowladda oo marayay qaybta sarrifka, waxaana arkay dhimashada haweeney iyo dhaawaca laba qof oo kale,” ayuu yiri mid ka mid ah sarriflayaasha suuqa oo la hadlay saxaafadda.

Sidoo kale, goob-jooguhu wuxuu sheegay in haweeneyda dhimatay ay ka mid ahayd kuwa ka xamaasha suuqa, iyadoo maydka iyo labada qof ee uu dhaawucu soo gaaray xilli dambe laga qaaday goobta.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa qaraxa kaddib goobta soo gaaray iyagoo halkaas ku sameeyay baaritaan aysan cidna ku qaban, iyadoo kooxihii weerarka geystay ay markiiba goobta ka baxsadeen.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maanta ay ku beegnayd sannadguuradii koowaad markii la doortay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo dowladda lagu eedeeyay inaysan wax badan ka qaban ammaanka caasimadda iyo gobollada kale ee dalka.

Suuqa Bakaraha oo ah suuqa weyn ee Muqdisho iyo gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya