Ra’isul Wasaare Saacid oo la kulmay Jaaliyadda iyo shaqaalaha Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Yemen (SAWIRRO)
Talaado,
September 10, 2013 (HOL) — Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax
Shirdoon “Saacid” iyo wafdigiisa ayaa xalay ka qayb-galay munaasabad soo
dhaweyn ah oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Yemen ay u sameeyeen.
Xafladda ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxaana lagu soo
bandhigay ciyaar-dhaqameed, heeso iyo murti kala duwan. Iyadoo
jaaliyadda Soomaalidu ay muujisay sida ay ugu hiloobeen dalkooda ayna ka
shaqeynayaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen.
Mudane Saacid ayaa khudbad u jeediyay jaaliyadda isagoo uga warbixiyay xalaadda dalku uu ku sugan yahay sida siyaasadda: ammaanka, dhaqaalaha iyo sidoo
kole waxyaabaha u qorshaysan dowladdiisa oo ay ka mid tahay sidii loo
suuro-galin lahaa in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin iyo sugidda
ammaanka guud ee Soomaaliya.
“Dowladdu
waxay dhawaan samaysay hay’ad qaabilsan dib-u-soo-celinta qaxootiga
Soomaaliyeed iyo dib u dajinta Barkacayaasha, Waxaan u sahlaynaa cid
kasta oo iskeed u laabanaysa in aan kusoo dhoweyno dalka annagoo aad uga
mahadcelinayna Dawladda Yemen sida wanaagsan ee dalkeeda idiinku soo
dhoweysay.” Ayuu yiri Rai’isul Wasaaruhu
Waxaa sidoo kale Ra’isul Wasaaruhu uu kala hadlay Jaaliyadda ujeedada socdaalka ay isaga iyo wefdigiisu ku joogaan Yemen, isagoo sheegay inay la kulmayaan madaxda dalkaas, ayna ka wada hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin: xoojinta iskaashiga dhanka ammaanka, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxbarashadda. Sidoo kale waxuu sheegay in socdaalkooda ay qayb ka tahay u kuuragalidda xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen.
Munaasabadaasi
oo lagu soo bandhigay heeso wadani ah iyo kuwo guubaabo waxaa sidoo
kale ka hadlay xubnaha ku weheliya Ra’isul wasaaraha Socdaalkiisa,
kuwaas oo sheegay in ay ka shaqayn doonaan sidii Soomaaliya dhibka looga
saari lahaa, dadka Soomaaliyeedna ay dalkooda dib ugu noqon lahaayeenj.
Ugu
danbayntii Ra’isul wasaaraha ayaa booqday safaaradda Soomaaliyeed ee
Sanca, isagoo war-bixino ka dhagaystay shaqaalaha safaaradda, isla
markaana u balan qaaday in ay ka shaqayn doonto dawladdu sidii
Safaaraduhu ay u heli lahaayeen waxyaabaha ay u baahan yihiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya