4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2013
Madaxweynaha Mareykanka oo Shaaciyay in ay sii wadi doonaan Ugaarsiga ay ku hayaan Al-Shabaab iyo Al-Qaacida

Arbaco, Oktoobar 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama oo ka hadlay weerarkii Mareykanku uu ku beegsaday guri xeebta degmada Baraawe ku yaalla ayuu sheegay inuu yahay mid ay si gaar ah ugu bartilmaameedsanayeen saraakiisha Al-Qaacida ee Afirka ku sugan.

Obama ayaa xusay in weerarradii degmada Baraawe iyo caasimadda Liibiya ee Tripoli aysan noqon doonin kuwii ugu dambeeyay ee ay xubanha ka tirsan Al-Qaacida ku beegsanayaan, balse ay sii socon doonaan, isagoo xusay inay ku beegsan doonaan saraakiishaas meel walba oo ay caalamka ka tagaan.

“Meel walba oo ay Afrika ka joogaan waan ku beegsan doonnaa saraakiisha ka tirsan Al-Qaacida, waayo dhibaatooyin ayay caalamka ku hayaan,” ayuu ku daray hadalkiisa Obama oo sheegay in weerarkii Baraawe uu isagu amar ku bixiyay.

Mar uu ka hadlay weerarkii lagu qabtay Abuu-Anas Al-Liibi ayuu sheegay in uu ahaa howlgal lagu guuleystay, balse weerarkii Baraawe ayuu sheegay in aan wax natiijo ah laga gaarin.

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dhawaan weeraray guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo gurigaas la sheegay inuu ku sugnaa sarkaal u dhashay Kenya oo Al-shabaab ka tirsan.

Sarkaalkan oo lagu sheegay magaciisa C/qaadir Maxamed C/qaadir (Ikrim) uu ahaa mas’uul tababara ciidamada Al-shabaab, iyadoo la sheegayay inuu maleegayay weerarro kale oo lagu qaado dalka Kenya.

Degmada Baraawe oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay Koonfurta Soomaaliya ayaa la geeyay ciidammo fara badan kuwaasoo ay ku sheegeen saraakiisha kooxdan inay ka hortagayaan weerarro kale oo lagu soo qaado degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya