4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2013
Dowladda Kanada oo shaacisay inay Malaayiin Doollar ku bixinayso xoojinta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

eaeb4e90ac5a04476ae1fef3629b146d3f96a373.jpg
Arbaco, Oktoobar 02, 2013 (HOL) — Dowladda Kanada ayaa sheegtay inay ku bixinayso shan milyan oo doollar xoojinta howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyadoo tallaabadan ay kusoo beegmayso xilli weerar ay Al-shabaab ku qaadday dhisme ganacsi oo ku yaalla magaalada Nairobi.

Wasiirka arrimaha dibadda Kanada, John Baird ayaa sheegay in dhaqaalahan uu yahay mid sare looga qaadayo dadaallada looga hortagayo argagaxisada, sidoo kalena waxaan hal milyan oo doollar ku bixin doonnaa barnaamijyada lagu xallinayo khilaafaadyada Geeska Afrika.

Join Baird wuxuu sheegay in dalkiisu uu horay ugu ballanqaaday Soomaaliya lacag gaaraysa 37-milyan oo doollar. Sidoo kalena ay dhaqale kale oo dheeri ah ku dareen yaboohii caalamku ugu sameeyay Soomaaliya shirkii New Dael kaasoo ay kazoo baxday in Soomaaliya lagu taageero 2.4 bilyan.

Sidoo kale, wasiiradda arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay inay dowladdeedu soo dhaweynayso dhaqaalaha AMISOM loogu deeqay, iyadoo dhinaca kalena sheegtay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMSIOM ay jabiyeen Al-shabaab.

“Al-shabaab waxay ku taagan tahay lugtii ugu dambeysay, dagaalyahanno badan ayaa ka dhintay, waxaa ku dhacay niyad-jab, dhul badan ayaa laga qabsaday, dhaqaalana ma haystaan. Marka kama walwalayno iyaga, waayo innnagu waxaan ka talinnaa dhul ballaaran, iyaguna waxay ku sugan yihiin meelo aad u kooban. Balse waxaan uga baahannahay dunida in gacan laga geysto sidii loo cirib-tiri lahaa,” ayay tiri wasiiradda oo intaas raacisay inay codsanayso in caalamku uu gacan ku siiyo sidii ciidamada Soomaaliya loo xoojin lahaa.

Iyadoo sii hadlaysa ayaa waxay hadalkeeda ku dartay: "Waxaanu doonaynaa inaan cagaheenna ku istaagno oo difaacanno xeebaheenna oo aan difaacano dhulkeenna, isla markaana aan cirib-tirino Al-shabaab.”

Xarakada Al-shabaab ayaa muddo afar sano ah isku dayaysay inay xukunka ka tuurto dowladihii Soomaaliya soo maray oo ay ku jirto dowladdan rasmiga ah, inkastoo labadii sano ee lasoo dhaafay laga awood roonaaday, haddana waxay dib u muujisay inay weli leedahay awood ay weerarro ku qaadi karto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya