4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2013
Madxafkii ugu horreeyay oo lagu soo bandhigayo Dhaqaanka Soomaaliya oo laga furay Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka


Kor ka daawo Video uu telefishinka  KARE 11 NBC ka soo qaaday warbixintaan -


Khamiis, Oktoobar 17, 2013 (HOL) — Madxaf lagu soo bandhigo taariikhada Soomaalida ayaa laga furay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kaasoo noqonaya kii ugu horreeyya oo laga furo Waqooyiga Ameerika. Isagoo sidoo kale noqonaya kii ugu horreeyay oo laga furo meel ka baxsan Soomaaliya.

Cismaan Cali oo ah milkiilaha maqaayad ku taala magaalada Minneapolis ayaa sheegay inuu muddo dheer ku haminayay inuu furo madxafkan, kaddib markii uu dib ugu laabtay Soomaaliya sannadkii 2009, isagoo xusay inaysan dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed aysan aqoon badan u lahayn dhaqanka Soomaalida gaar ahaan dhaqanka miyiga.

“Waxaan oran karaa dhaqankii wuu sii lumayaa,” ayuu Cali ku yiri wareysi uu siiyay wargeys kasoo baxa gobolka Minnesota. Iyadoo xafladdii furitaanka madxafkan ay ka dhacay magaalada Minneapolis.

Gobolka Minnesota ayaa ah gobolka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka, iyadoo madxafka lagu soo bandhigay 700 oo nooc oo qalabka dhaqanka Soomaalida ka mid ah, kuwaasoo isugu jira hub, alaabaha cunnooyinka, kuwa lagu maalo geela, dhiilo, dhar iyo qalab kale.

Abshir Ciise oo ka mid ah madaxda madxafka ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay fikradaha ay ku doonayaan inay shacabka Soomaailyeed ugu soo bandhigaan dhaqankooda sannado badan kaddib. Dhammaan qalabka lagu soo bandhigay madxafkana waa kuwo gacanta lagu sameeyay.

Madxafkan ayaa waxaa booqday dad badan oo Soomaaliyeed iyo kuwo u ajnabi ah, iyadoo dadka ajnabiga ah ay sheegeen inay soo jiiteen qalabka lagu soo bandhigay madxafka, waxayna xuseen in waxyaabo badan oo aysan horay u arkin ay ku arkeen.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ma aysan jirin madxafyo lagu soo bandhigo dhaqanka Soomaalida iyo qalabkii ay isticmaali jireen Soomaalidii hore oo reer guuraa ahaa.

Madxafkan oo shabakadda laga booqdo uu yahay: www.somalimuseum.com, iyadoo uu noqonayo kii ugu horreeyay oo lagu soo bandhigo dhaqankii hore ee Soomaalida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya