4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2013
Naadiga dhaqanka ee SYL II oo Shahaado Sharaf guddoonsiyay fanaanadda Qaran ee Hibo Maxamed Hudoon (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Naadiga dhaqanka ee SYL-II ayaa xaflad ballaaran oo shahaado lagu guuddoonsiiyay ugu qabtay Muqdihso fannaanadda weyn ee Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura), iyadoo xafladdan ay Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacday hoteelka Saxafi.

Xafladdaas waxaa kasoo qaybgalay agaasimaha wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, Aways Sheekh Xaadaad, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), mudane Maxamed Cumar Dalxa iyo xubno kale oo isugu jira abwaanno iyo fanaaniin kuwaasoo dhamaantood aad ugu riyaaqsanaa xaflada loo qabtay fannaannada weyn ee Hiba Nuura oo bishii hore dalka kusoo laabatay.

Kooxda Rajo Band ee naadiga SYL II ayaa waxay halkaa kusoo bandhigeen ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo heeso ka turjumaya soo dhaweyn iyo ammaan ku wajahan fannaanada Hibo Nuura iyo suugaan waddani ah.

DAAWO SAWIRRO FARA BADAN:

Hibo Nuura ayaa iyaduna dhankeeda waxay halkaa ay ka qaaday heeso kala duwan oo ay horay ugu luuqeysay kuwaasoo muujinayay waddaniyadda iyo aqoonta. Waxaa sidoo kale iyana halkaa heeso ka qaaday fannaanadda Binti Cumar Gacal.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo iyagoo bogaadiyay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL II, waxayna tilmaameen  inay tani astaan u tahay horumarka magaalada Muqdisho ayna filaayaan inay fannaaniin badan dalka dib ugu soo laaban doonaan.

Ugu dambeyn, fannaanada Hibo Nuura ayaa halkaa lagu  guddoonsiiiyay Shahaada Sharaf iyo dharka hiddaha iyo dhaqanka dumarka Soomaaliyeed ; iyadoo loo aqoonsaday looguna magac daray “Hiddo Dhowrta Fanka”. Iyadoo  munaasabaddu ay kusoo idlaatay jawi qurux badan iyo damaashaad.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya