4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ugu Baaqay Dadka ku nool Gobolka Sool inay Nabadda Ilaaliyaan


Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay inuu walwal xoog leh ka qabo dagaalka ka qarxay dhawaan gobolka Sool.

Kay ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ayaa shacabka gobolkaas ku nool ugu baaqay inay nabadda ilaaliyaan. Iyadoo dagaalladii Khamiistii ka dhacay degmada Taleex ay ku dhinteen dad ku dhow 10-qof.

“Dagaal weligiis laguma xallin arrimo siyaasadeed mana lagu xallin karo. dhammaan dadka meesha jooga oo ay arrinta khusayso waa inay hadda muujiyaan deggenaasho, raadiyaanna dib-u-heshiisiin”, ayuu yiri  Ergaygga Gaarka ah ee Kay.

Ergayga gaarka ah ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday dadka ku dhintay dagaalka, wuxuuna tacsi u diray eheladii dadkii ku dhintay dagaalka, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay in qof lagu dilo khilaaf siyaasadeed oo wadahadal lagu xallin karo.

“Aragta siyaasadeed ee lagu kala geddisan yahay iyo waxyaabaha la kala sheeganayo waa in lagu xalliyaa wada-hadal. nabadgelayada waxay muhiim u tahay habka doorashada Puntland,” ayuu mar kale Kay ku yiri qoraalka uu maanta soo saaray.

Ugu dambeyn, mudane Kay ayaa sheegy in isaga iyo madaxda UNSOM ay si wadajir ah ula xiriireen madaxda gobolka, ayna ku guubaabiyeen inay is-xakameeyaan, iyagoo ugu baaqay inay gacan ka geysanayaan wadda-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Dagaalkan ayaa u dhexeeyay ciidammo ka tirsan maamullada Puntland iyo kuwa khaatumo oo ay kala hoggaaminayeen labada madaxweyne ku xigeen ee maamulladan oo khilaaf uu u dhexeeyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya