4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Tirada Musharraxiinta u Tartamaysa Doorashada Puntland oo sii Kordhaysa iyo Gobollada ay Murashaxiintu kasoo jeedaan

Sabti, November 30, 2013 (HOL) —  Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Puntland kusoo qul-qulayay musharaxiinta u tartamaysa doorashada madaxnimo, taasoo sida qorsheysan ka dhici doonta magaalada Garoowe sannadka dambe maalin Arbaco ah 08-Jannaayo, isla markaana ay ka qayb-gali doonaan musharaxiin  horey xilal kala duwan uga soo qabtay Soomaaliya iyo kuwa ku cusub saaxada siyaasadda.

Hadda tirada musharraxiinta ayaa kor u dhaafaysa labaatameeyo musharax oo qaarkood ay yihiin qurba-joog in badan ka maqnaa dalka ,waxaana ololahooda doorashada  aad looga dareemayaa guud Puntland,iyaga oo hadba la shiraya qaybaha kala duwan ee bulshada si ay uga dhaadhicayaan qorshahooda hadii la doorto.

Loolanka ugu weyn ee ololaha doorashada ayaa u muuqda mid u dhaxeeya madaxweynaha hadda talada haya C/rixmaan Faroole iyo raysul-wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas ,waxaana taageero ay ka heli karayaaan beelaha daga gobolka.

Madaxweyne Faroole ayaa sida la sheegay kalsooni weyn ku qaba in mar kale dib loo dooran doono shanta sano ee soo socota, waxaana warar hoose ay tibaaxayaan in madaxweynahu uu dadaal ku bixin doono sidii uu ku heli lahaa codka xildhibaanada beesha Dhulbahante oo inta badan cidda hesha ay doorashada ku guulaysato.

Hadaba musharaxiinta ilaa iyo hadda isa soo sharaxday iyo gobolada ay ka soo kala  jeedaan ayaan halkaan ku soo koobaynaa.

 Musharaxiinta Gobolka Mudug:

1. Prof C/wali Maxamed Cali Gaas :waa raysul-wasarihii hore ee Soomaaliya ,waxaana uu taageera badan ku dhex leeyahay gobolka Mudug.

2. Cali Xaaji Warsame :Waa madaxii hore ee shirkadda isgaarsiinta ee Golis Puntland, waana musharxiinta ugu cad cad doorashada

3. C/wali Maxamuud Gurey: wuxuu ka mid yahay musharaxiinta doorashada ka qayb-galaysa aad ayaana looga ixtiraama gobolka Mudug.

4. C/qaadir Maxamed Yuusuf :waa musharax aan in badan horey loogu soo arag saaxada siyaadda waxaana adeer u ah madaxweynihii hore ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed.

5. General C/laahi Cali Mire : horey ayuu xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland hadana waa musharax doorashada u tartamaya.

6. C/raxmaan Maxamed Gablax : waa ragga sida aadka ah u dhaliilsan siyaasadda Faroole waxaana u kamid yahay qurba –joogta maraykanka mudada ku noolaa.

7. C/rixmaan Cuuke :horey ayuu gudoomiye uga so noqday gobolka Mudug haddana waa musharax doorashada u tartamaya.

8. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab: waa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland iyo waliba wasiirkii maaliyadda  ,waxaana uu taagero kooban ka haystaa bulshada gobolka.

9. Cali C/qaadir Yuusuf : waxaa u ka mid yahay odayaasha Mudug, waana shaqsi aad looga dhex ixtiraamo bulshada dhexdeeda.

10. C/laahi Cali Barre: Aad looguma arki jirin saaxadda siyaasadda waxaana u kamid yahay musharaxiinta sanadka danbe tartamaysa.

Musharaxiinta gobolka Kar-kaar:

1. Axmed Cabaas Axmed (Gacma-Gaab) : waxa uu ka mid yahay musharaxiinta goboka Kar-kaar kana mid ah muxtaramiinta gobolka .

2. Xaaji Maxamed Yaasiin : Odayaasha gobolka.

3. Dr.Saadaq Enow : Waa hogaamiyaha xisbiga Midnimo waana qoraa sameeyay buugaag dhowr ah.

4. Cali Cabdi Awaare : Waa Wasiirkii hore ee dowladaha hoose iyo horumarinta ree miiga Puntland.

5. C/llaahi Sheekh Axmed : waa musharax u taagan doorashada kana mid ah raga laga ixtiraamo gobolkaas.

6. C/laahi Siciid Samatar: Waa wasiirkii hore ee amniga Puntland aadna uga soo horjeeday sannadkii loogu daray madaxweyne Faroole.

Musharxiinta Gobolka Bari:

1: Shire xaaji Faarax : Waxa uu kamid yahay ganacsatada ugu caansan Puntland gaar ahan gobolka Bari.

2. Yaasiin Faarax Cartan:: waxa uu xilal horey uga soo qabtay Puntland

Musharaxiinta Gobolka Nugaal:

1. C/rixmaan Maxamed Faroole: Madaxweynaha hadda talada haya markii labaadna u tartamaya doorashada.

2. Maxamed C/nuur Xirsi:Aad ayaa looga yaqaan gobolka Nugaal waana musharax

3. C/naasir: horey looguma arki jirin siyaasadda, waana musharax

4. C/qaasim Maxamed Xasan :Waxa uu u taaganyahay madaxweyne ku xigeen

5. Cali Xaji C/ducaale: waxa uu kamid yahay muxtarimiinta  gobolka Nugaal.

Ugu dambeyntii tirada musharaxiinta ayaa maalinba maalinta ka danbaysa soo badanaysa, waxaana aad u soo baxayay  baryahan danbe cabashada ka soo yeeraysa beelaha looga tirada badanyahay Puntland, kuwaasoo tuhun weyn ka qaba qaabka loo maarayn doono doorashada iyo awood qaybsiga dhinaca dowladda doorashada ka dib.

Faysal Maxamed Hassan
[email protected]