4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Dad xoolo Dhaqato ah iyo Al-shabaab oo ku Dagaalamay Deegaan hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal leysku adeegsaday noocyada hubka uu ku dhaxmaray deegaan hoostaga degmada Maxaas dad reer miyi ah iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa dhacay kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab isku dayeen in ay dadka deegaannka ka qaadaan xoolo ay ku sheegeen [Sako] laakiin taa ay ka biyo diideen dadka xoola dhaqatada ah ee deegaannka ku nool.

Dad reer miyi ah oo isa soo hubeeyay ayaa la sheegay in ay dagaal ku qaadeen goob ay ku xareeyeen Al-shabaab xoolo laga soo ururiyay dadka deegannka, waxaana la sheegay in iska horimaadka dhaxmaray labada dhinac uu khasaare sababay.

Max’ed Cimaan Ganey oo ka mid ah dadka deegaannka oo HOL u waramay ayaa sheegay iska horimaadku uu ka dhacay deegaan u dhaxeeya Gan-uribad iyo Dib-ugal oo ka wada tirsan degmada Maxaas, islamarkaana ay dib u soo celiyeen sida uu hadalka u dhigay xoolo Al-shabaab ay ka qaadeen dadka deegaannka.

“Khasaraha ka dhashay iska horimaadka annaga dhinaceena dad ayaa nooga dhaawacmay, laakiin dhinaca kale [Al-shabaab ] labo ruux ayaa ka dhimatay,’’ ayuu yiri Max’ed Cismaan Ganey oo la hadllay HOL.

Iska horimaadkan ayaa ku soo beegmay xili maalmihii ugu danbeeyay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM dhinaca kale howlgalo ka wadeen deegaanno galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne, oo sida ay sheegeen saraakiisha maamulka lagu soo qabtay raashin iyo xoolo Al-shabaab ay ka qaadeen qoysas ku dhaqan deegaannada howlgalka laga sameeyay, waxaana ay intaa ku dareen in ku dhawaan 600 oo neef dib loogu celyay gacanta dadkii lahaa.

Laakiin, dhinaca kale Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin xoolahan la sheegay in ay ciidamada maamulka iyo kuwa Jabuuti dib uga soo celiyeen iyo iska horimaadkan lagu waramayo in uu ka dhacay degmada Maxaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya