4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Siilaanyo oo Saxiixay heshiish lagu horumarinayo Adeegyada Somaliland oo ay ku Caawiyeen Ingiriiska iyo Denmark (SAWIRRO)


Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta saxiixay heshiish lagu horumarinayo adeegyadda bulshadda ee Somaliland.

Mashruucan oo socon doono afar sanno ayaa waxa ka caawinaya labadda dawladood ee Ingiriska iyo Denmark oo Somaliland u sameeyey Sanduuq u gaar ah oo lagu horumarinayo oo loo bixiyey (Somaliland Development Fund).

Heshiishkaasi ka dib waxa ka hadlay qaabka loo maamuli doono lacagtaasi ay labadda dawladood ku caawinayaan Somaliland wasiiradda Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo labada safiir ee Ingiriiska iyo Denmark u fadhiya Kenya.

“Farxad weyn ayey noo tahay in aanu heshiishkan kala saxeexano wadamadda Ingiriiska, Denmark iyo Somaliland”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi oo ka hadlayey heshiishkan ay kala saxeexdeen labadan wadan, waxaanu intaas ku daray “ waxa farxad noo ah inay caalamku nagu aaminay inaanu maamuli karno lacagta oo toos la inoo siiyo, lacagtaasi maanta la ina siiyey waa masuuliyad weyn in aynu si fiican u maamulo”

“Sanduuqan horumarinta Somaliland waxa iska kaashaday labada dal Ingiriiska iyo Denmark, waxaanu ku bilaabmay 52 milyan oo dollar, Ingiriiskuna Shan milyan oo kale ayuu ku soo daray, Wadamadda kalana waxaan ka rajaynayaa inay ku soo dari doonaan lacag kale ”ayuu yidhi wasiirka Qorsheynta Dr:Sacad Cali Shire.

Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in lacagtan ay go’aankeeda iyo fulinteedab ay dawladu leedahay, isla markaana si toos ah ugu dhacayso qasnada dawladda, halka ay barigii hore ay go’aankeedda lahayd hay’adaha iyo qaadhaanbixiyeyaasha oo siday doonaan wax ugu qaban jiray lacagta ay ugu deeqaan Somaliland.

"Lacagtan waxa go’aaminayey inaga, inta badan waxa go’aamiya wax lagu qabanayo hay’adaha loo soo dhiibo ama qaadhaan bixiyeyaasha, laakiin sanduuqan waxa go’aaminaya  guddida horumarinta oo sanad kasta la isla garanayo waxa loo baahan yahay”ayuu ku daray wasiir Sacad.

Shire ayaa sheegay sanadkan lacagtan wax lagaga qabanayo horumarinta Beeraha, xoolaha, deegaanka iyo Jidadka.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Sheekh C/casiis Samaale wasiirka Maaliyadda Somaliland oo sheegay inay lacagtani toos ugu dhacayso qasnada dawladda, isla markaana sidii ay hantidda umadda hore ugu ilaalinayeen inay lacagtana u ilaalin doonaan.

Waxa iyaguna dhankooda ka hadlay labada Safiir ee Ingiriiska iyo Denmark u fadhiya Kenya, kuwaas oo sheegay inay ku faraxsan yihiin lacagtan ay ugu deeqeen dawladda Somaliland, isla markaana wax lagaga qaban doono adeega aasaasiga ah ee bulshadda Somaliland.

Labadan Safiir waxay xuseen in wax lagaga qabanayo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland, waxaanu tilmaameen inay indhahooga ku soo arkeen nabadda iyo nidaamka xisaabeed ee Somaliland ku shaqayso.


Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland