4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Guddoomiye KMG ah oo loo Magacaabay Bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Magacaabiddiisa

Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay ansixiyeen magcaabista guddoomiyaha KMG ah ee loo magacaabay Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali.

Mas’uulkan ayaa horay u ahaa guddoomiye ku xigeenkii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya xilligii ay jirtay dowladdii milateriga ahayd, iyadoo war kasoo baxay golaha wasiirrada lagu sheegay in magacaabiddiisan ay qayb ka tahay qorshayaasha lagu xoojinayo howlaha xukuumadda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Bashiir Ciise u magacaabo inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee bankiga dhexe ee Soomaaliya. Bashiir Ciise waa ruux aqoon u leh howlahan oo kale, wuxuuna horay uga soo shaqeeyay bankigii horumarinta ganacsiga Somalia, wuxuuna ka ahaa guddoomiye ku xigeen, isagoo sidoo kalena ahaa guddoomiyaha bankiga dhexe,” sidaa waxaa yiri ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ka hadlay shirka golaha wasiirrada.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha oo sii hadlay ayaa yiri: “Kaddib in ka badan labaatan sano oo colaado sokeeye ay socdeen, waxaa six un u burburay habkii dhaqaalaha dalka, kaasoo hadda dib loosoo nooleynayo. Innagoo kaashanayna hay’adda lacagta adduunka ee IMF-ta iyo Bankiga adduunka ayaan waxaan horumar la taaban karo ka sameynay dib u soo nooleynta iyo casriyeynta maamulka lacagta iyo haya’daheenna ku shaqada leh. Waxaana ka rajeynayaa guddoomiyaha cusub inuu fulin doono qorshayaasha aan ku doonayo in dhaqaalaha.”

Magacaabista guddoomiyahan KMG ah ayaa waxaa soo jeediyay wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan, isagoo sheegay in Bashiir uu 50-sano ku soo jiray howlahan, uuna yahay shaqsi kasoo bixi kara howshiisa.

Bishii hore ayay ahayd markii guddoomiyihii bankiga dhexe, Yusur Abraar ay jagadan iska casishay, iyadoo haysay wax ka yar laba bilood, waxaana uu Bashiir Ciise noqonayaa qofkii saddexaad oo muddo sannad gudihiis ah loo magacaabo guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya