4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Madaxwene ku xigeenka Khaatumo oo ka baxay Taleex kaddib markii ay soo gaareen ddegmadaas Ciidammo ka yimid Puntland

Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Madaxwene ku xigeenka Khaatumo, Maxamed Jaamac Yuusuf  (Indha-sheel) ayaa la sheegayaa in isaga iyo mas’uuliyiin la socda ay uu ku godoonsan yihiin deegaanka Kalcad oo 40-km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Taleex, kaddib markii ciidammo daacad ah u ah kuwo ka yimid magaalada Garoowe ay isku dhaceen.

C/samad Maxamed Cali oo ku sugan galbeedka degmda Taleex ayaa HOL u xaqiijiyay inay dhaafeen gaadiid toban ku dhow oo uu watey Indha-sheel, wuxuuna intaas ku daray in gaari kuwa dagaalka ah oo uu sheegay inay ku buufsanayd astaanta maamulka Puntland ay ka daba-tageen.

Ma jirto wax isgaarsiin ah oo laga helayo deegaanka ay Indho-sheel iyo xubnihii la socday ku sugan yihiin; balse waxaa wararku sheegayaan inay ku sugan yihiin dhul buuraley ah.

Iska hor-imaad hubaysan ayaa shalay ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan maamulka Khaatumo, waxaase dagaalkaas uu haatan u xuub-siibtay dagaal u dhexeeya maamulka Puntland iyo ciidammmo daacad u ah Indha-sheel.

Madaxweynaha haatan talada Khaatumo haya, C/nuur Cilmi Qaaje "Biindhe" oo ku sugan magaalada Boocame oo Laascaanood dhanka bari kaga aaddan 75-km ayaan bilihii u dambeeyay ax war ahi kasoo bixin, iyadoo uu khilaaf u dhexeeyo isaga iyo labadiisa ku xigeen ee Axmed Karaash iyo Indho-sheel.

Ma cadda halka ay xaaladdan ku dambeyn doonto; waxaase dadku ay si aad ah u hadal hayaan in madaxweyne ku xigeenka Khaatumo uu ku jiro khatar weyn; iyadoo dhinac kasta ay ka xigaan ciidammo ka yimid Garoowe oo ah xarunta maamulka Puntland.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool