4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
WAR DEG DEG AH: Dab Xooggan oo ka kacay garaash lagu iibiyo gaadiidka iyo shidaalka oo ku yaalla Isgoyska KM-4


Khamiis, Nofember 28, 2013 (HOL) - Dab xooggan ayaa ka kacay garaash weyn oo lagu iibiyo gaadiidka iyo shidaalka oo ku yaalla isgoyska lambar afar ee magaalada Muqdisho, iyadoo dabku dabku nmarba marka kasii dameysa uu sii xoogeysanayo, waxaana laga baqdin qabaa inuu khasaare gaarsiiyo goobaha ganacsi ee ku dhow garaashkaas.

Goobjoogayaal la hadlay HOL ayaa sheegay in khasaare xooggan oo hantiyeed uu dabkan geystay, balse lama oga inuu geystay khasaare nafeed, iyadoo garaashkaas la sheegay inay yaalleen baabuur fara badan oo ganacsi ahaan loo keenay dalka.

"Khasaare aan la qiyaasi karin ayaa ka dhashya dabka. Garaashka waxaa ku jiray boqolaal gaadiid ah oo loo keenay ganacsi ahaan," ayuu yiri goobjooge la hadlay HOL oo intaas ku daray inay dhici karto in khasaare nafeed ay ka dhasheen, balse aan hadda la xaqiijn karin.

Isgoyska Lambar Afar oo ah mid aad u mashquul badan ayaa waxaa ku yaalla goobo ganacsi oo fara badan, iyadoo goobta ay ku sugan yihiin hadda dadweyne aad u fara badan oo qaarkood dabka la dagaalamaya iyo kuwo kale oo daawanaya, iyadoo goobaha ganacsiga ee halkaas ku dhow lagala baxayo hantida taalla.

Wararka laga helayo goobta uu dabkan ka kacay ayaa waxay sheegayaan in ugu yaraan 300 oo baabuur oo ganacsi ahaan dhawaan dalka loo keenay ay halkaas ku gubteen, iyadoo aan weli si dhab loo ogaan karin khasaaraha ramsiga ah ee uu dabkaas dhaliyay.

Wixii dheeraad ah waxaad idin kugu soo gudbin doonaa wararkeenna dambe.

Hiiraan Online