9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Dood adag oo Brusells ku dhexmaray ergadii Somalia uga qayb-galay shirkii Horumarinta Caalamka iyo Guddiga Midowga Yurub


Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Muran siyaasadeed xooggan ayaa ku dhexmaray magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium ergadii Somalia uga qayb-gashay shirkii horumarinta caalamka iyo guddiga sare ee ururka Midowga Yurub, kaasoo ku saabsanaa dhaqaalihii ay kal hore ugu deeqday Midowga Yurub dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in dalkeedu uusan waxba ka helin dhaqaalihii ay Midowga Yurub u ballan-qaadeen dalkeeda Soomaaliya.

“Hadalka ay sheegtay wasiiraddu waa mid gabi ahaan aanay waxba ka jirin,” ayuu yiri, Andris Pebalgs oo ah madaxa guddiga horumarrinta ee Midowga Yurub oo wareysi gaar ah siisay majaladda ka faalloota dhaqaalaha ee IBTimes.

“Guulaha dhinaca siyaasadda ah ee ka jira Soomaaliya oo keliya ma ahan waxa dhaqaalaha lagu bixinayo, balse waxaa sidoo kale dhaqaalaha lagu bixinayaa mashaariic kala duwan oo loogu talo-galay inay shacabku ka faa’iideystaan,” ayuu mar kale yiri Pebalgs oo ka hadlayay shirkii Brussels ka socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Waxaan qaybo ka mid ah Somalia ka wadnaa mashaariic horumarineed oo kala duwan, kuwaasoo aan ku bixinnay lacag gaaraysa 50-milyan oo Yuuro. Mashaariicdaas waxaa ka mid ah horumarinta deegaanka, waxbarashada, caafimaadka iyo sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah, waxaana mashaariicdaas aan ka wadnaa Somaliland iyo Puntland.”

Sakaalkan oo hadalka sii wata ayaa intaas raaciyay: “Waa runteed ma jirto lacago aan gacanta u gelinnay dowladda federaalka Soomaaliya, waayo ma jiro maamulkii loo baahnaa ee isla xisaabtanka iyo maareynta dhaqaalaha.”

Dhanka kale, Andris Pebalgs ayaa sheegay in ururka Midowga Yurub uu horay u ballan-qaaday inuu si dhow ula shaqeynayo dowladda Soomaaliya taasna ay ku taagan yihiin. Wuxuu xusay inay diyaar u yihiin inay taageero siiyaan dowladda Soomaaliya, sidaas awgeedna aysan jirin lacago ay weli siinnay dowladda federaalka.

Ururka Midowga Yurub ayaa ballan-qaaday inuu Soomaaliya siinayo lacag dheeraad ah oo gaaraysa 10-milan oo Yuuro, taasoo ay sheegeen inay ugu talo-galeen horumarinta dalka, iyadoo Midowga Yurub uu Soomaaliya siiyay 521-milyan oo EURO intii u dhexeysay sannadihii 2008 illaa 2013.

Ururka Midowga Yurub ayaa sidoo kale taageero dhaqaale siiya ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, si dalka loogu soo celino nabad iyo kala dambeyn, waxaana AMISOM ku taageereen lacag gaaraysa 594-milyan oo EURO.

Fowziyo Yuusuf ayaa sheegtay in Soomaaliya lagu ballan-qaaday shirkii lagu qabtay Brussels bishii September ee sannadkan lacag dhan 1.8-bilyan EURO, taasoo aysan weli dowladda Soomaaliya waxba ka helin.

“Waxaan weydiisanayaa dalalka Yurub inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkii ay horay u sameeyeen,” ayay tiri Fowziyo oo intaas ku dartay. “Waxaanu eegi doonnaa in ballan-qaadkaas lacageed oo wax looga qabanayo dib u dhiska amniga dalka ay ka dhabeeyaan iyo in kale.

Ugu dambeyn, wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheetay inay dalalka Yurub u ballan-qaadeen dowladdii KMG ahayd lacag dhan 200-milyan oo EURO sannadkii 2010-kii, balse aan lacagtaas waxba laga siin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya