4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
Marwada Madaxweynaha oo Raashin iyo Lacag ugu deeqday Dadweynihii ku Barakacay Fatahaaddii Webiga Shabeelle (SAWIRRO)


Talaado, November 26, 2013 (HOL) — Marwada madaxweynaha Soomaaliya, Qamar Cali Cumar ayaa deeq isugu jirta raashiin iyo lacag gaarsiisay dadkii ku barakacay fatahaaddii webiga Shabeelle uu ka geystay deegaannada ku dhow degmada Jowhar, kuwaasoo haatan barakac ahaan ku jooga meelo ku dhow degmada Jowhar.

Deeqdan ayaa isugu jirtay buskut iyo lacag kaash ah oo qiimo ahaan 400-milyan oo shilling Soomaali ah ayaa waxaa loo qaybiyay qoysas kumannaan gaaraya oo ku dhaqan duleedka degmada Jowhar ee xarunta u ah gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo dadka deeqda la gaarsiiyay ay ahaayeen kuwo guryihii ay deggenaayeen uga soo barakacay fatahaadda webiga Shabeelle.

Maryan Maxamed Xuseen iyo safiyo Saldey oo marwada madaxweynaha ay u wakiilatay qaybinta deeqdan ayaa u sheegtay warbaahinta in deeqdan oo ahayd mid kala duwan ay marwada koowaad ee dalka ugu taloogashay inay dadka kusoo barakacay fatahaaddii webiga Shabeelle lagu caawiyo.

Qaar ka mid ah qoysaskii deeqdaas ka faa’iideystay ayaa ugu mahad-celiyay marwada koowaad ee dalka sida ay ugu soo naxariisatay dadkaas oo haatan ay haystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca nolosha ah, waxayna Alle uga baryeen in bedel ka kheyr badan uu siiyo.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya