4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
Maamulka KMG-ka ah ee Jubba oo sheegay in laba Ruux oo Ajnabi ah oo ay ka Shakiyeen ay ku wareejiyeen Ciidamada Kenya

Talaado, November 26, 2013 (HOL) — Maamulka KMG Jubba ayaa maanta u sheegay warbaahinta inay dekedda Kismaayo ku qabteen laba qof oo ay ku sheegeen inay ahaayeen ajanbi si sharci-darro ah ku socday ayna ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ku wareejiyeen.

Afhayeenka maamulka, C/naasir Seerara Maax oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in labadan nin ay baaritaanno ku socdaan aysanna doonayn inay ka hordhacaan baaritaanka.

“Labadan nin lama yaqaan cid ay ka tirsan yihiin iyo sabab u socdaan, balse waxaan xaqiijin karnaa oo keliya inay ku socdeen si sharci-darro ah, innagoo ku wareejinay ciidamada Kenya,” ayuu yiri C/naasir Seeraar.

Sidoo kale, Seeraar ayaa ka gaabsaday in labadan nin ay uga shakisan yihiin inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, isagoo ku celiyay inay sugayaan wixii kasoo baxa baaritaanka, markaas kaddibna ay saxaafadda u sheegi doonaan hadal faahfaahsan.

C/naasir Seeraar oo wax laga weydiiyay dilal dhowr ah oo dhawaanahan ka dhacayay gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay jiraan dilalkaas, isagoo ku eedeeyay inay ka dambeyso Al-shabaab oo uu sheegay inuu kusoo ururay dagaalkooda inay qaraxyo iyo dhulka ku aasaan iyo dilal qorsheysan oo ay fuliyaan.

“Al-shabaab waxay u muuqataa inay ku faashilatay dagaalladii tooska ahaa, taasoo keentay inay dilal qorsheysan iyo weerarro gaadmo ah ka fuliyaan magaalooyinka waaweyn sida Kismaayo,” ayuu yiri Seeraar.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maalmahan ka dhacyay dilal qorsheysan, iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay lagu dilay gudaha magaaladaas afar qof oo shacab ah.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilalkaas, marka laga reebo in maamulka KMG ah ee Jubba uu ku eedeeyay dilalkaas xoogagga Al-shabaab oo sannadkii hore laga qabsaday magaalada Kisamayo oo u ahayd xarunta ugu weyn ee Koonfurta Soomaaliya y ku leeyihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya