4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
DUQA HARGEYSA: “Waxaan ku Guulaysanay inaan xubin ka Noqonno Ururka Dawladaha Hoose ee Bariga Afrika” (SAWIRRO)


Talaado, November 26, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha Ururka dawladaha hoose ee Somaliland, Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan-SOLTECO) iyo sagaal Maayar oo uu hogaaminayey ayaa dalka dib ugu soo noqday ka dib markii ay ka qaybgaleen shir ka dhacayey magaaladda Caruusha ee dalka Tanzania.

Maayar Cabdiraxmaan Soltleco ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay ka mid noqdaan ururka  Dawladaha Hoose ee Bariga Afrika,isla markaana sida ay u shaqeeyaan ay aqoon badan ka soo korodhsadeen.

“Waxaanu ku guulaysanay inaanu xubin ka noqono ururka Dawladaha hoose ee bariga Afrika,  sadex dawladood oo kala ah Somaliland, Ethiopia iyo Koonfurta Suudaan ayaa waxay codsi u gudbisteen Ururka dawladaha Hoose ee Bariga Afrika in loo ogolaaday inay ka mid noqdaan, balse labadii dawladood ee kale lama aqbalin, laakiin waxa la aqbalay Ururka dawladaha Hoose ee Somaliland AL-GASAL inuu ka mid noqdo Ururka dawladaha Hoose ee Bariga Afrika"ayuu yidhi Maayarka oo ka hadlayey wixii uga soo qabsoomay shirkaasi.

Maayar Soltelco ayaa sheegay inay ka soo faa’iideen safarkaasi aqoonkorodhsiga ah, isla markaana ay ka soo barteen wadaniyada iyo sida umadaadda loogu shaqeeyo.

"Waxaanu tagnay suuq uu nin kaliyaati maamulo cashuur Ururinta,kirada, nadaafada iyo maamulka-ba uu intaasi isku qabto,waayo dadku waxay ku soo shubayeen Baanka, subaxdii marka uu soo indha-indheeyo suuqa qofka inyar oo xashiish ahi hortaalo ee ka mida Suuqa, bisha tobankeeda may gaadheen qof laga sugayo Cashuur ama Kirro,innagu (Somaliland) markaan Cashuurta ka gureyno Suuqyadeena 8-Cashuur qaade ayaa bisha dhan ku noq-noqda"ayuu yidhi maayarka oo ka hadlayey kala duwanaanshaha qaababka dawladaha hoose u shaqeeyaan.

“Ujeeddada Safarkayagu waxa uu ahaa inaan xubin ka noqono Ururka dawladaha Hoose ee Bariga Afrika oo aanu la wadaagno wixii khibrad ah, oo aanu eegno qaabka ay Ururka dawladaha Hoose u shaqeeyo”ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha gudaha Cabdisamad Cumar Maal oo ka mid ahaa masuuliyiintii shirkaasi Cashuura ka qaybgalay .

“Waxaa na casuumay Ururka dawladaha Hoose ee Bariga Afrika oo ka kooban Tanzania, Kenya, Burundi iyo Ruwanda oo  magaciisa la yidhaahdo YEGLA, waxaanan marti u ahayn Ururka dawladaha Hoose ee Tanzania ALAT, waxaana safarkayagaas qaban-qaabadiisa lahaa hay’ada UN-habitat, , waxaanan ka koobnayn Sagaal Maayar oo kala ahaa Maayarka Saylac,Laascaanood, Sheekh, Berbera,Maroodijeex, Gabiley, Oodweyne, Burco, Boorame iyo Wasaarada arrimaha Gudaha”ayuu yidhi Maal oo sharaxayey casuumadda ay ka heleen ururka dawladaha hoose ee Bariga Afrika.

Waxaanu intaas ku daray “ waxaanu la kulanay jaaliyada reer Somaliland ee Bariga Afrika oo si wanaagsan noo soo dhaweeyey oo kulan hawleed iyo casho sharafeed-ba noo sameeyey oo warbixin naga soo siiyey dad shaqeystay,beero leh, warshado leh, xoolo leh, oo ganacsiga ugu heerka sareeya dalkaasi Tanzania leh oo Tanzanian noqday oo reer Somaliland ah"

Dhinaca kalena, waxa iyaguna madaarka Hargeysa  ka dhoofay haween reer Somaliland ah loo soo tobabarayo hogaaminta iyo sidii siyaasada uga soo qaybgali lahaayeen, kuwaas oo tobabar ku soo qaadan doono dalka Uganda, waxaana hogaaminaysay wasiir ku xigeenka arrimaha bulshadda iyo shaqada Shugri xariir.

Haweenkan ayaa ka koobnaa ururka haweenka ee Nagaad iyo NOW, xeer ilaaliyaal haween ah, toban xildhibaan oo haween ah oo ka soo baxay goleyaasha deegaanka Somaliland iyo haweenka daneeya arrimaha siyaasadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland