4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2013
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya oo sheegay in dowladdiisu ay qusuliyad ka furanayso Magaalada Hargeysa ee Somaliland


Isniin, November 25, 2013 (HOL) — Danjiraha dalka Turkiga ee Soomaaliya, Kamaaludiin Kani Torun oo ku sugan Hargeysa ayaa sheegay in dalkiisu uu ka furanayo magaalada Hargeysa qunsuliyad, isagoo xusay in taasi ay ka mid ahayd waxyaabihii ay kala hadleen madaxda Somaliland.

Safiirka ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, waxaana kulankan waxyaabihii lagu soo qaaday ka mid ahaa wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo hakad uu ku yimid.

“Wafdiga Turkiga ah waxaan kala hadalnay arrimo ay ka mid yihiin sidii aanu iskaashi uga yeelan lahayn dhinacyada, dhaqaalaha, ganacsiga, hormarka, caafimaadka, tacliinta, biyaha iyo sidii horay loogu wadi lahaa wahadallada u dhexeeya Soomaaliya Somaliland,” ayuu yiri Biixi oo shir jaraa’id ay wadajir u qabteen safiirka Turkiga.

Biixi oo sii hadlay ayaa sheegay in safiirka dalka Turkiga ee Somalia ay isla garteen in Turkigu ay halkan (Hargeysa) ka furtaan qunsuliyad, innagu aan ka furanno Turkiga qunsuliyad.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Kamaaludiin Kani Turan oo isaguna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in qodobbadii uu kala hadlay mas’uuliyiinta Somaliland ay ka mid yihiin sidii aan dib ugu soo celin lahayn xiriirkii hore ee taariikhiga ahaa, ayna labadan dal iskaashi u sameysan lahaayeen.

“Wadahadalladii aan la yeelannay madaxda Somaliland waxyaabihii aan uga hadalnay waxaa ka mid ahaa sidii Turkiga uu halkan qunsuliyad uga furan lahaa, waxaan kaloo ka hadalnay sidii loo sii dhaqaajin lahaa wadahadallada u dhexeeya Somalia iyo Somaliland,” ayuu yiri Kani Turan.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada Turkiga ah ee la socda ay doonayaan inay maal-gashi ku sameystaan Somaliland, isagoo xusay in taasi ay ka mid ahayd waxyaabihii ay kulankooda kusoo qaadeen.

Dowladda Turkiga ayaa waxay dhowr jeer kulansiisay madaxda Soomaaliya iyo kuwa Somaliland si ay heshiis u gaaraan, balse wadahadalladaas waxaa ku yimid hakad, kaddib markii hadallo ay labada dhinac isku mariyeen war-baahinta.

Wadahadallo kale oo ay ku ballansanaayeen labada dhinac oo dhici lahaa horraantii bishan November ayaan qabsoomin, balse waxaa la sheegay inay dib u billaaban doonaan horraanta bisha soo socota ee December.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya