4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2013
Iiraan oo Heshiis kula gashay dalalka Galbeedka inay hakiso barnaamijkii ay ku Sameysanaysay Hubka Nukliyeerka


Isniin, November 25, 2013 (HOL) — Dalka Iran ayaa heshiis KMG ah la galay dalalka reer galbeedka, kaasoo ku saabsan hubkeeda nuklieerka, kaddib afar maalmood oo ay socdeen wadahadallo arrintan ku saabsan.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in markii ugu horreysay muddo toban sano ah ay suuro-gashay la hakiyo barnaamijka ay Iiraan ku doonayso inay ku sameysato hubka khatarta ah ah ee Nukliyeerka.

Heshiiskan ayay Iraan ku ballan-qaadday inay dhinto kaydkeeda tayeynta macdanka Yuraaniyamka oo loo isticmaali karo hubka nukliyeerka. Iyadoo ay Iiraan lagu wado in laga qaado cunno-qabteynta saaran qaarkeed haddii ay fuliso heshiiskan.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa socon doona muddo lix bilood ah, isagoo waqti siinaya wadahadallo heshiis waqti dheer ah lagu galo.

Wasiirka arrimaha dibadda Iraan, Maxamed Javad Zarif ayaa sheegay in la aqoonsaday xaqa uu dalkiisu u leeyahay tayeynta Yuraaniyamka. Laakiinse xog-hayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry ayaa isna sheegay inaan arrintaas la aqoonsan.

Heshiiskan KMG ah ee Iiraan ay la gashay dalalka reer galbeedka ah ayay ku ogolaatay Iiraan inay joojiso 95% tayeynta Yuraaniyamka. Sidoo kalena ay qafiifiso tayeynta Yuraaniyamkeeda oo gaaraya 25%, taasoo ah aasaaska hubka nukliyeerka.

Iiraan waxay kaloo aqbashay inay joojinayso horumarinta awooda ay ku tayeynayso Yuraaniyamkeeda, sida inaysan samaysan qaboojiyayaal kale oo dheeraad ah.

Waxyaabaha kale ee Iiraan ay heshiiskan ku ogolaatay ayaa waxaa ka mid ah inay joojiso horumarka ay ka samaynayso saldhigeeda nukliyeerka ee Arak iyo inay ogolaato kormeeridda hay’adda atoomikada dunida ee IAEA.

Haddii Iiraan ay fuliso heshiiskan waxay reer galbeedka u ogolaan doonaan in si KMG ah looga dabciyo cunno-qabteyntii dhaqaalaha ee horay ay ugu soo rogeen dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa ugu yeeray heshiiska qalad taariikhi. Isagoo sheegay mar uu wasiiraddiisa la hadlayay in dowladda adduunka ugu khatarsan oo uu ula jeedo Iiraan ay qaadday tallaabo muhiim ah oo ay ku yeelato hubka adduunka ugu katarsan.

Ugu dambeyn, Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil aan lagu qasbi doonin in ay heshiiskan aqoonsato, ayna xaq u leedahay inay inay is difaacdo haddii la soo weeraro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya