4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
War-bixin ku Saabsan Dood-cilmiyeedkii FAGAARAHA oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota (SAWIRRO)


Axad, November 24, 2013 (HOL) — Waxaa xalay magaaladda Rochester ee gobolka Minnesota ka dhacay dood-cilmiyeed uu soo qaban-qaabiyay ururka Fagaaraha Forum, waxaana looga dooday sidii waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ay dhaxal ahaan uga tagi lahaayeen ubadkooda, gaar ahaan barista Luuqadda Soomaaliga.

Doodda waxaa furay Sadiiq Warfaa oo ah guddoomiyaha Fagaaraha Forum wuxuuna sheegay in aqoon isweydaarsiga 7-aad ee Fagaaraha ay muhiimadiisu aheyd sidii waalidiinta soomaaliyeed ugu baraarugi lahaayeen khatarta ka imaan karta carruurta oo aan la barin luuqadooda hooyo iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Aqoonyahannadii doodan ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Macallin Siciid Saalax Axmed oo luuqadda af-soomaliga ka dhiga Jaamacadda University of Minnesota, Eng. Cabdi Maxamuud Suleymaan, Ikar Maxamed Ikar iyo Fanax Xaaji Aadan ah bare ka tirsan South Central Collage.

“Af-Soomaaligu wuxuu ku jira halis, wuxuuna nooga baahanyahay bad-baado, sidaa daraadeed waxaa qof kasta oo naga mid ah laga doonayaa inuu bad-baadiyo, ”a yuu yiri Macallin Siciid Saalax Axmed oo intaas ku daray.

“Luuqaddeennu waxay ka mid tahay 12-ka luuqadood oo ay Africa ku faanto, waayo wuxuu ka gudbay xudduuda, waxaana looga hadlaa Somalia, Kenya, Ethiopia, Jabuuti iyo “Minnesota” – sida ardaydeydu aaminsanyihiin, waxayna ka mid tahay luuqadaha Africa ee  lagu dhaqmay oo la qoray, kana madax bannaan afafka gumeysigu ka tagay”

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Cabdi Maxamuud Suleymaan oo ka mid ah khuburada Af-soomaaliga ayaa sheegay in qofka luuqada Soomaaliga yaqaan uu waxbarashada kaga wanaagsan yahay qofka kale.

“Markii aan soo galnay Mareykanka  - ardaydii wax ku soo bartay luuqadda Sooomaaliga ayaa ka wanaagsaneyd Ardaygii kale ee luuqadaha  Ingiriiska ama Talyaaniga wax ku soo baratay , taasina waxay ku tusineysaa in markii aad taqaanid afkaaga aad si sahal ah ku fahmeysid cilmigii laguu dhigayo” ayuu yiri Injineer Cabdi Maxamuud.

Fanax Xaaji Aadan ayaa isna aaminsan in haddii aan la helin guddi aqoonyahanno ah oo Ardayda Soomaaliyeed dhiiragalisa in dhibaatada iyo hilmaanka luuqaddu sii kordhi doonto.

“Waxaan ku talin lahaa in la sameeyo guddi aqoonyahanno ah oo ugu yaraan bishii kormeera goobaha waxbarasahda ee gobolka, si ay arday ugu dhiiro galiyaan barashada Soomaaliga”

“Waxyaabaha sababa in Ardaydu ka baxaan dugsiyada sare iyo macaahidda cilmaga waxaa qeyb ka ah waalidka oo aan xiriir la laheyn xarumaha waxbarashada” aysuu sii raaciyay Fanax Xaaji.

Ikara Maxamed Ikar oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyed ee ku nool magaaladda Rochester ayaa sheegay in Waalidka Soomaaliyeed ay ku dadaalaan carruurtooda, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in waqti la galiyo dhallaanka si ay maskaxdoodu ula soo korto luuqadda, dhaqanka, labiska iyo fikirka Soomaalinimada.

Ugu dambeysii dadweynihii ka soo qeyb galay kulnkaas ayaa qiray inay caqabad ku tahay dhallaanka kala maqnaashaha labada waalid oo inta badan dhalisa dayacaadda carruurta ee barista Soomaaliga, diinta iyo dhaqanka.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota