4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Soomaalida ku nool Nairobi oo lacag ka badan 40-kun oo doollar ugu deeqay dadkii ay Saameeyeen Fatahaada iyo Duufaanta

Axad, November 24, 2013 (HOL) — Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lacag gaaraysa 42,114 doolarka Mareykanka ah ugu deeqay dadkii ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaaddii uu sameeyay webiga Shabeelle iyo duufaantii dhawaan ku dhufatay deegaano ka tirsan Puntland.

Deeqdan lacageed ayaa looga dhawaaqay kulan ay maanta isugu yimaadeen ganacsato, culumo iyo siyaasiyiin Soomaali ah oo deggen magaalada Nairob, iyagoo sheegay in deeqdan ay ugu talo-galeen in lagu caawiyo dadweynihii ka badbaaday duufaantii Puntland ku dhufatay iyo dadka ku dhibaateysan gobolka Shabeellada Dhexe ee uu saameeyay fatahaadii webiga Shabeelle.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada xaafadda Islii, Xaaji Xasan Guuleed oo ka mid ah dadkii soo qaban-qaabiyay kulanka ayaa sheegay in lacagaha ay uruuriyeen ay tahay mid hordhac ah, isla markaana ay sii wadi doonaan tan iyo inta ay jiraan dhibaatooyinka dabiiciga ah.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culummada Nairobi ee Soomaalida ah ayaa ganacsatada iyo dadka hantida haysta ugu baaqay inay ka qayb-qaataan taakuleynta dadka dhibaatadu ku dhacday.

Dadweyne badan ayaa ka barakacay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay meelo ku dhow degmada Jowhar halkaasoo uu ku fatahay webiga Shabeelle, iyagoo ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Barakacayaashan ayaa waxaa haysta dhibaatooyin xooggan oo ay ka mid yihiin dhinacyada nolosha iyo caafimaadka, iyadoo hay’ado maxalli ah ay gurmad u fidiyeen dadkaas.

Dhanka kale, waxaa iyaguna ay dhibaatooyin haystaan dadkii ka samata-baxay duufaantii dhawaan ku dhufatay deegaannada xeebaha Puntland ku yaalla, kuwaasoo xoolahoodii ku waayay duufaanta.

Tan iyo markii ay muusiibooyinka dabiiciga ah ku dhufteen gobollo ka tirsan Puntland iyo fatahaaddii webiga Shabeelle ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha dalka waxay ururinayeen deeqo lacageed oo ay ku caawiyaan dadkaas dhibaatadu ku dhacday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya