4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Xoogagga Al-shabaab oo Askari ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku Gowracay Deegaan ka tirsan Gobolka Bakool

Axad, November 24, 2013 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray, Gaduudow Isaakh Baadil ayay ku gowraceen ciidammo ka tirsan Al-shabaab deegaan ka tirsan gobolka Bakool.

Wararka ayaa sheegaya in askarigan oo la socday ciidammo kale oo kasoo tagay deegaanka Ceel-barde ee gobolka Bakool ay kusoo dhaceen jidgooyo u taalla Al-shabaab, iyadoo Al-shabaab gacanta ku dhigeen askarigan keliya isagoo aan wax dagaal sameyn.

Kooxda Al-shabaab ayaa maydka askariga ku xireen gaari ay leeyihiin oo ka yimid degmada Xudur kaasoo jiidayay illaa uu ka googo’. Iyadoo Al-shabaab ay sidan oo kale toddobaadkii hore u dileen ganacsade lagu magacaabi jiray, Aadan Salaad oo goob Internet ah ku lahaa degmada Xudur.

Ganacsadaha la dilay ayaa Al-shabaab ugu xirnaa muddo saddex maalmood ah ka hor intii aan la dilin degmada Diinsoor ee gobolka Bay halkaasoo ay ku leedahay Al-shabaab saldhig weyn.

Aabbaha dhalay marxuum salad ayaa looga yeeray Diinsoor si uu maydka wiilkiisa u qaato, isagoo sheegay inaan la garanayn sababta dhabta ah ee keentay in in Al-shabaab ay disho wiilkiisa.

Gobollada Bay iyo Bakool ayaa deegaanno ka tirsan waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab, iyadoo kooxdan ay dhowr jeer dilal kala duwan u geysteen dad ay ku eedeynayaan inay dowladda la shaqeeyaan iyo ciidammo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo